“Waan ka xumahay inaan idhaahdo Ninkaasi [Cabdiweli Gaas] Waa Nin Istus-tus Ku Noole Maaha Nin Hadalkiisa Rasmi Loo Qaadan Karo Maaha”

0
27

 “Madaxweynaha Dawladda Somaliland Md. Muuse Biixi Waxaan U Soo Jeedinayaa  Inuu…” – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroolle

 

“Cabdiweli Horena Argagaxiso Ulamuu Diririn,  Immikana Lama Dirirayo, Dibna Ulama Diriri Doono, Waayo…….”

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland ayaa hadallo aan meesha qaban ku tilmaamay hadal kasoo yeedhay madaxweynaha waqtigan talada maamulka Puntland haya ee Cabdiweli Maxamed Gaas kaasi oo dawladda Somaliland ku tilmaamay in ay taageeraan kooxaha xagjirka asal raaca ah. Cabdiraxmaan Faroole oo daba socday hadal uu Cabdiweli Gaas habeen hore jeediyey oo uu kaga hadlayay hawlgalka ay ciidammada qaranka Somaliland ku ruqaansadeen xuduudka bari ee dalka  halkaas ooay fadhiisimo ay hore maamulkaasi ka samaysteen deegaannada bari ee gobolka Sool ee xuduudka Somaliland raacsan. Mr. Faroole oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaan jeclahay inaan waxyar ka idhaahdo  xiisadda ka aloosan deegaanka Nugaalleed gaar ahaanna magaallada Tuko-raq oo ahayd kastamkii xarunta gobolka Sool intii ay Laascaannood Somaliland qabsatay kabacdi”. Sidaas ayuuyidhi Cabdiraxmaan Farroole oo galabnimadii shalay ka hadlay arrintan waxaana uu intaa ku daray “WAxaa aad iyaduna ii taabanaysa  hadallada xanafta leh ee Cabdiweli [Madaxweynaha Puntland] xalay [habeen hore] ka jeediyey [Garoowe] oo hadal adag oo aan u cuntamin Somaliland uu ku daray, iyo kan maanta [shalay] uu kaga jawaabay Baashe [Guddoomiyaha  Golaha wakiillada Somaliland], waxaan leeyahay dagaal dembe oola oogaa dhibaato mooyee dhibaatada hadda taagan xal u heli maayo, waxaan u soo jeedinayaa oo aan marka u horeysa leeyahay Madaxweynaha Dawladda Somaliland Md. Muuse Biixi  oo maanta [shalay] uu la joogo wakiilka qaramada Midoobay oo beesha caalamka wakiil ka ah, hormuudna u ah inuu waanwaan nabadeed meesha ka dhigo in soojeedintiisa la aqbalo oo ciidammada meesha laga saaro”. Ayuu yidhi madaxweynihii hore ee maamulka Puntland. Waxaa kale oo uu Cabdiraxmaan Faroole naqdiyey hadalka uu warbaahinta mariyey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas  kaaso o uu ku tilmaamay inaan  hadalkiisa loo qaadan mid rasmi ah  “hadallada ee xanafta leh ee ay ku hadleen Cabdiweli Gaas iyo Baashe , Cabdiweli hadalkan uu leeyahay argagaxisada aanu la dirirayno waxaa taageeraysa Somaliland  waxaan leeyahay Cabdiweliyoow horena adigu argagaxiso ulama diririn immikana lama dirirayo, dibna ulama diriri doono, waayo waxaa tusaale innoogu filan bishii Maars  markii Garacad iyo deegaannada kale ay ciidan kun ku dhaw oo [argagaxiso ahi] ay soo wareereen, markaas oo uu isagu [Cabdiweli] Ameerika uu joogay  gaar ahaanna uu ku sugnaa meesha la yidhaahdo Virginia, waqtigaas waa lala hadlay in uu yimaado laakiin muu imanin, dagaalkii markii ay dadkii shacabka ahaa iyo ciidamadii wixii laururin karayay la ururshay ee laga guulaystay cadawgii ee maxaabiistii la qabtay ayaa garacad intuu diyaarad u soo kiraystay uu Adis Ababa ka soo duulay oo uu isku sawiray markaa ninkaasi waa nin istus-tus ku noole nin loo qaadan karo hadalkiisa rasmi maaha….Waan ka xumahay inaan hadalkaas idhaahdo sababtuna waxa weeye Somaliland annagu weligayo kumaanu eedayn inay argagaxiso taageerto , arrintaasina hadal meesha qabta muu ahayn”. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.