War Deg-Dega Fanaanad Caan Ah Oo Geeriyootey +[ Magaceeda Iyo Halka Ay Ku Dhimatey

0
69

Canada (rooryo):- Waxaa dalka Canada ku geeriyootay Allaha u naxariistee FanaanaddiiWeyneyd ee Hobolada Waabari Qadiijo C/llaahi Daleys.

Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

 

Qadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeya ee heesa, sidoo kale waxaa la sheegaa inay aheyd gabadhii u horeeya ee heesta gabdhaha ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

 

Waxaa ay sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa ay aheyd fanaanad waddani ah oo jecel Soomaaliweyn,

Qadiijo C/llaahi Daleys ayaa aheyd gabadhii ugu horreysey oo 1952dii hees ka bilowda Radio Moqdisho, waqtigaas oo aysan jirin Aalada duubista waxey sameyn jirtey in ay timaado idaacada ay si toos ah heesaha uga qaado.

Waxaa lagu xasuustaa heeso dhowr ah oo ay ka mid tahay heestii ugu caansaneyd ee “Muruqiina Maaloo” Dhulka miro ku beeroo Macdanta, dahabka Muujiya wanaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.