Warbixin Ku Saabsan Dagaalki Cuslaa Ee Shalay Ka Dhacay Qoryooley.

0
168

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib weerar dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku sugnaayeen.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo saacado badan qaatay, iyadoo ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Maamulka Qoryooley ayaa sheegay in illaa afar dagaalame ay ku dileen dagaalka, kaasoo mid ka mid ah uu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay oo gacanta lagu dhigay, dabadeedna la gowracay.

Xoghayaha degmada Qoryooley Ibraahim Malable ayaa sheegay inay gowracayaan Shabaabkii soo weerara ee ay gacanta ku dhigaan.

Xaalada Qoryooley ayaa ah mid degan, waxaana degmadaas ku sugan Ciidamo AMISOM iyo ciidan ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.