Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-geshiga Somaliland ee Xukuumaddii hore Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa Warbaahinta ka soo muuqday isagoo ku mashquulsan Beer uu ku leeyahay Duleedka Koonfureed ee Magaalada Berbera, taasi oo uu ka beero Khudaar kala duwan.

Cumar Shucayb oo ka mid ahaa Xukuumaddii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ee dhawaan Xilka ku wareejisay Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii uu wareejiyey Xilkii Wasiirnimo waxa uu si toos ah u guda-galay inuu ka shaqeeyo Beertiisa oo uu ka shaqeeyo, halka Wasiirradii kale ee Xilalka wareejiyey ay qaarkood u dhoofeen Dalalka Qurbaha oo ay markii hore ka yimaaddeen, kuwa kalena ay ku mashquulsan yihiin Mafrashyada lagu qayilo ee ku yaalla Magaalooyinka Dalka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.