Wax Ka Oggow Taariikhda Maalinta Caalimiga Ah Ee Haweenka Adduunka 8 March

0
70

8 March (BRA-Hargeysa):- Maanta oo kale sanad kasta waxaa dunida oo dhan looga dabaaldagaa maalinta caalamig ah ee haweenka ee 8 Maarso, fikadda maalintani xaggay ka timid? Maxayna xambaarsan tahay?

Dhanka mabda’a dabaaldagga maalintan waxaa looga golleeyahay in dumarka lagu baraarujiyo awoodooda iyo iney ogaadaan iney ragga la siman yihiin, dhanka shaqadana loo riixo,  guud ahaan dunida oo dhan laga dhigo meel ku habboon iney dumarku ku noolaadaan.

Maanta oo kale, dunida waxaa laga hadlaa arrimaha dumarka u gaarka ah, sida xaqa ay u leeyihiin iney shaqeystaan, ka hortagga gaboodfallada loo geysto, xaaladda dumarka iyo caruurta xilliga dagaalada oo la eego, xuquuqdooda siyaasiga ah oo ay ka hadlaan iyo waxyaabaha kale oo noloshooda hor-tabinta u leh.

Taariikhda Maalintan

Sanadkii 1856 ayaa kumanaan dumar ah iskugu soo baxeen dibadbaxyo ay ka dhigeen waddooyinka magaalada New York, iyagoo ka cabanayay duruufta adag oo ay ku shaqeeyaan Booliska ayaase kala eryay, laakiin natiijadii ay iskugu soo baxeen waxbay ka gaareen . Markale Maarso 8, 1908 ayaa xaalddii oo kale soo noqotay oo markale dumarkii ay ku soo noqdeen waddooyinka iyagoo mudaharaadyo waaweyn dhigay, gaar ahaan dumarka dharka ka shaqeeya, iyagoo markaa gacmaha ku watay rooti qalalan iyo ubax ay astaan uga dhigeen dibadbaxooda.

Ubaxa ayaa ahaa astaan ay ku muujinayaan jacayl, in la isla danqado iyo sinnaan, halka rootigu uu ka dhignaa xaqa shaqada in loo sinnaado.

Waxay codsanayeen in saacadaha shaqada laga yareeyo, caruurta shaqada laga joojiyo, dumarkana loo ogolaado iney doorashooyinka codeeyaan.

-Xafladdii ugu horreysay ee dabaaldagga maalintan waxay ahayd Maarso 8, 1909, waxaana iyaguna dibadda u soo baxay sidoo kale; dumarka Yurub oo ku dayasho ka dhigtay haweenka Mareykanka oo dhaq-dhaqaaqoodii uu miro-dhan wanaagsan yeeshay.

Aqoonsiga QM ee Maalinta

Si rasmi ah waxay Qaramada Midoobay ugu aqoonsatay maalinta sanadkii 1977, waxaana taariikhdaa ay noqotay astaanka halgan dumarka iyo xuquuqdooda oo sanad walba looga dabaaldago dunida oo dhan.

Halkudhegga sanadkan 2018

Halkudhegga sanad “Waa la gaaray wakhtigii: Dhaqaaqa miyiga iyo magaalooyinka ee dumarka ay beddeli lahaayeen Nolosha haweenka.”, iyadoo la tirlmaamayo kaalinta dumarka xuquuqda u dhaq-dhaqaaqaa ay kaga jiraan bulshada.

Arooryonews – Hargeisa

Hargeysa Desk

Xigasho: Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here