Wayaaha Nolosha:Dadka Nolosha Guuleystaa waa Saddex Nooc.

0
54
W/Q: Ibraahim dhuxul.

1. Qof ka dhashay Qoys qani ah, kadib aad u dadaalay kadibna meel sare nolosha ka galay iyo kaalin mug iyo miisan leh, qofkaasi aad ayuu bulshada ugu yar yahay. waayo dadka inta badan ka dhashay qoysaska hantida lihi, waxay isku haleeyaan hantidoodda. markaa badnaa aad u ma dadaallaan qof, qof iyo dhif mooyanne, waanna midka mid ah dadka guuleysta kuw sida ugu Fudud ku guuleysta ama uguba horeeya.

2. qof ka dhashay qoys magac ku dhex leh bulshadaas: tusaale caruurta ay dhaleen madaxdu sida madaxweynayaasha, salaadiinta ama Abwaanada dadka magaca dheer ku dhex leh. kuwaas oo uu magacaa laftiisa wax ay ku helaan.

dadkani waa dad ka mid ah kuwa labaad ee sida ugu fudud u guuleysta.

3. Iyo Qof ka dhashay qoys faqiir ah:
qofka saddexaad ee guuleystaa waxa weeye qof ka dhashay qoys faqiir ah. laakiin nolosha dedaal xoog badan la yimi. intuu cirka kasoo dhacay dhulka ku dhacay. macnaha noqday “Bir finiin ka hadhay” kaasoo nolosha in badan samray, rabbigiinna ku xidhnaaday.

qofkani waa qofka saddexaad ee guuleysta nolosha waxaa guushiisha u sababtay. dadaal iyo dooni xoog leh oo ka go’nayd naftiisa inuu xaqiijiyo, Hadaf cad.

Ugu danbaystii waxaan naftayda iyo tiinaba kula dardaarmayaa ayaadii quraanka ahayd, ee ahayd alle qoom ma badalo ilaa ay iyagu siday ku sugan yihiin waxka badalaan mooyaanne.
waxa keli ah ee ay saddexdan qof kasiman yihiin waxa weeye.
*magaca
*magta
*muuqa qofnimada
iyo ta ugu danbaysoo ah iyo dedaal dheeraad ah oo ka gonaa.

Alle waxsan, weedhsan adduun iyo Aakhiraba haynala kulmiyo.

dribraahimm@gmail.com
W/Q: Ibraahim dhuxul.

Nagalasoo Xidhiidh
Arooryomedia.com/Hargeysa Office
Info@arooryomedia.com
Arooryomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.