Xasaasi Kulamo Gaargara Oo Ka Socda Madaxtooyada Soomaaliya.

0
43

Kulamo saacado badan qaatay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kulamadaas oo ahaa kuwo ay si kala gaar gaar u dhex mareen Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka sida C/weli Muudey, Mahad Cawad, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in kulamada ay ahaayeen kulamada oo ahaa kuwo xiriir ah looga hadlay go’aankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ku diiday kala diridii Guddiga Maaliyadda, kuna faray inay howshooda sii wataan.

Kulamadii u dambeeyay ayaa waxay caawa u socdaan Labada Guddoomiye kuxigeen iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaa ka horeeyay kulan wadajir ahaa oo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiye kuxigeenada dhex maray maqribki ka hor.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamada la iskula meel dhigay qorshe ka dhan ah Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo loo wajahayo qaabab kala duwan, waxaana si aad ah isha loogu hayaa fal celiska ka imaan doona Guddoomiye kuxigeenada oo garab ka helaya Xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiray kulan dhex maray Guddoomiye Mursal iyo labadiisa kuxigeen, iyadoo aanay kulamadaas ka soo bixin wax natiijo ah, lana isku fahmi waayay, waxaana Guddoomiye kuxigeenada ka soo horjeesteen go’aankii Guddoomiye Mursal uu dib ugu howl geliyay Guddiga Maaliyadda.

Kulamada ka socda Aqalada aanay isu dheereyn ee Madaxda dowladda ayaa mar walba laga filan karaa inay ka soo baxaan warqado wiifto ah iyo go’aano keeni kara xasarad siyaasadeed oo uu lugaha la galo Baarlamaanka, waxaana haatanba muuqda in Guddoonka ay labo dhinac u kala qeybsan yihiin, Guddoomiye Mursan oo dhinac ah iyo Labadiisa kuxigeen oo dhinac ah, isla markaana taabacsan Xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.