Xidigaha Brazil Oo Mid Mid Uga Hadley Barbarihii Xulkoodu La Galay Xulka Qaranka Switzerland.

0
87

Xidiga khadka dhexe xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Casemiro ayaa muujiyay sida uu ugu qoomameynayo barbarihii uu xulkiisa seleção uu la galay dhigiisa Switzerland, kulankoodii ugu horeeyay ay ka ciyaareen koobka aduunka 2018.

Casemiro ayaa kadib marka uu kulanka soo idlaaday wuxuu la wadaagay saxaafada dareenkiisa ku aadan barbarihii ay la galeen Switzerland wuxuuna yidhi: “Kooxda waxay ahayd mid adag oo si wacan ayay u ciyaartay, waan ka xunahay natiijada”.

 

 

Khadka dhexe kooxda Real Madrid ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Dabcan dunida oo dhan waxay dooneysay in Brazil ay badiso, lakiin waa inaan falaqeynaa ciyaarta, waxay soo gaareen afaafka goolka hal jeer waxayna ku dhaliyeen gool”.

Dhinaca kale Philippe Coutinho oo u dhaliyay xulkiisa qaranka Brazil goolka daah fuurka ciyaarta ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan abuuray fursado nagu filan, malaha waxaan u baahanahay deganaansho si aan u joojino weerarada”.

Dhinaca kale weeraryahanka kooxda Gabriel Jesus ayaa isna la hadlay saxaafada wuxuuna yidhi: “Waan ka war qabnaa in aan soo bandhignay qaab ciyaareed xun, ma aanan sameynin waxa aan dooneenay inaan ka sameyno garoonka, laakiin cidna kuma guuleysan koobka”.

Barabaraha uu galay xulka qaranka Brazil kulankooda ugu horeeyay ee koobka aduunka 2018, ayaa waxay ka dhigan tahay dib u dhac ku yimid xulka seleção oo ka mid ah xulalka ugu cad cad ee loo saadaaliyay inay ku guuleysan karaan koobka aduunka 2018.

Source Goal 24

ArooryoMedia/Hargeysa Office

Info@Arooryomedia.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.