XOG CUSUB: Baarlamaanka Puntland oo shir u furmi doono & Dagaalka G Sool hareyn doona.

0
59

GAROOWE(Arooryomedia)- Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa yeelanaya 20-ka bishan June kalfadhi baarlamaan oo uu furi doono Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana kusoo beegmay xili ay xiisado colaadeed ka jiraan gobalka Sool ayna isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland, taas oo hareyn doonta.

 

Kalfadhigan ayaa ka duwanaan doona kuwii hore, waxaana la filayey in uu qabsoomo 15-kii bishan, balse waxay ku beegantay maalmihii Ciidul Fidriga, iyadoo dib loogu dhigay 20-ka bishan, waxaana Ajendayaasha laga hadli doono ka mid noqon doona arrimaha dagaalada.

Guddiga Difaaca & Ammaanka ee baarlamaanka Puntland ayaa diyaariyey warbixino ay ka sameeyeen mudadii u dhaxaysay labada kalfadhi wixii u qabsoomay, waxay sidaas oo kale jeedin doonaan arrimaha fulinta go`aamo horey uga soo baxay guddiga Joogtada ah oo ay ka mid ahaayeen in la xoreeyo gobalada maqan ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa la wada sugayaa Khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland, iyadoo lagu casumi doono dhinacyo kala duwan oo katirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.