Xoogaga Taalibaan Oo Diidey In Ay Sii Kordhiyaan Xabad Joojinta.

0
35

Xabbad joojin saddex maalmood socotay oo aad loogu riyaaqay una dhaxaysay laamaha ammaanka ee Afghanistan iyo Talibanka dalkaas ayaa u muuqata in ay dhammaatay.

Taliban ayaa sheegtay in ay ammartay in malayshiyadoodu ay hubka qaataan Axadda maadaama oo ay dhammaatay damaashaadkii ciidda.

Dawladda ayaase sheegtay in ay iskeed usii wadi doonto xabbadjoojinta toban maalmood oo kale ah, inkastoo laamaha ammaanka ay is difaaci karaan haddii la soo weeraro.

Waxaa soo baxay muuqaalo aan la filaynin oo muujinaya ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo isa salaamaya xabadkana xabadka isu saaraya intii lagu gudo jiray xabbad joojinta.

Laakiin xabbad joojinta ayaa ku guuldarraysatay in collaadda oo dhan hakiso.

Ugu yaraan 18 ruux ayaa lagu dilay weerar is qarxin ah oo ka dhacay magaalada Jalalabad, tobannaan ruux oo kale ayaana ku dhaawacmay.

Ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo sawir isla galaya
Ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo sawir isla galaya

Bannaanka xafiiska gafarnatooraha gobolka Nangarhar ayuu qaraxaasi ka dhacay iyadoo masuuliyiin dawladda ah ay kulan la lahaayeen xubno ururka Taliban ka tirsan.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Sabtidiina weerar is qarxin ah oo ka dhacay isla gobolkaas ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isugu yimaadeen Taliban iyo masuuliyiinta dawladda ee deegaankaas waxaana ku dhintay 36 ruux.

Source BBC

ArooryoMedia/Hargeysa Office

Info@Arooryomedia.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.