Xubno U Dhashay Somaliland , Kana Tirsan Baarlamaanka Xamar Oo Ku Hungoobey Dalab Ay Ku Doonayeen In Golahoodu Dib U Dhigo Qadiyada Dp World + [ Magacyadooda ]

0
24

Moqdisho (Arooryomedia):- Baarlamaanka Somaliya ayaa ku gacan seydhay soo jeedin ay soo gudbiyeen shalay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan baarlamaanka Somaliya , kaas oo nuxurkiisu ahaa in ay baarlamaanku dib u dhigaan mooshin ay shalay ansixiyeen ee ka dhanka ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhexmay Somaliland , Dp World iyo dawlada Itoobiya .

 

Xildhibaanada asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ay weheliyaan xubno kale oo baarlamaankaas ka tirsan oo iyaguna u dhashay Somaliya ayaa waxaa ay dalbadeen in dib u dhigis lagu sameeyo , lagana saaro ajandaha baarlamaanka qaadiyada Dp World , si loo helo war sugan oo ku saabsan arintan, waxaana ay mooshinkan ku dalbaden in laga war sugo dawlada Somaliya .

Hase yeeshee baarlamaanka Somaliya ayaan u jeedin saxiibadooda la mabda’ ah balse u dhashay Somaliland

Xildhibaanada oo ay tiradoodu aheyd 11 ayaa waxaa ay magacyadoodu ahayn sidan

1. Maxamed Cumar Carte Qaalib

2. Cabdiraxmaan Ibbi

3. Axmed Maxamuud Sheekh ( Dhagaweyne )

4. Maxamed Ibraahim Cabdi (Diyeeshe )

5. Cali Maxamuud Muuse

6. Amina Cumar Jaamac

7. Huda Axmed Cali

8. Axmed Maxamed Jaamac

9. Faadumo Ismaciil Xussen

10. Aamina Sheekh Cismaan

11. Faadumo Xassan Cali

Source:- Geeska

Arooryomedia/Hargeysa Office

Info@Arooryomedia.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here