Xulka Qaranka Croatia Ayaa Kabaa La Dul Marey Xulka Qaranka Argentina fadeexad Iyo Ceebna U Xanbaariyey…

0
83

Xulka qaranka Croatia ayaa fadeexaad iyo ceeb dusha u saaray Argentina oo dhibaato wayn oo kale ay ka soo gaadhay koobka aduunka. Inkasta oo xulka qaranka Argentina uu qaybtii hore ahaa kan inta babadan kubbad haysta ee Croatia ku sababay in ay difaacasho badan galaan ayay haddana qaybtii danbe ee ciyaarta Croatia la soo baxday qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo waliba goolhaye Willy Caballero uu musiibo wayn ku noqday Argentina.

Waxaa guushan Croatia ku hogaamiyay Ante Rebic oo goolkii furitaanka ku dhaliyay hadiyad uu ka helay Willy Caballero halka Luka Modric uu gool qurux badan ku labeeyay laakiin Ivan Rakatic ayaa ciyaarta ku soo xidhay goolka saddexaad ee ceebta wayn garabaha u saaray saaxiibkiisa Barcelona ee Lionel Messi iyo xulka qarankiisa Argentina.

 

 

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

CROATIA (4-5-1): Danijel Subasic; Domagoj Vida, Ivan Strinic, Sime Vrsaljko, Dejan Lovren; Marcelo Brozovic, Ivan Perisic, Ivan Rakitic, Luka Modric, Ante Rebic; Mario Mandzukic

KAYDKA: Josip Pivaric, Vedran Corluka, Dominik Livakovic, Marko Pjaca, Lovre Kalinic, Tin Jedvaj, Mateo Kovacic, Andrej Kramaric, Duje Caleta-Car, Filip Bradaric, Milan Badelj

ARGENTINA (3-4-3): Willy Caballero; Nicolas Tagliafico, Nicolas Otamendi, Gabriel Mercado; Eduardo Salvio, Javier Mascherano, Enzo Perez, Marcos Acuna; Maximiliano Meza, Lionel Messi; Sergio Aguero

KAYDKA:  Franco Armani, Paulo Dybala, Ever Banega, Cristian Ansaldi, Marcos Rojo, Lucas Biglia, Gonzalo Higuain, Ángel Di Maria, Federico Fazio, Nahuel Guzman, Giovani Lo Celso, Cristian Pavon

Kulankan ayaa ahaa mid muhiimad wayn u lahaa xulka qaranka Argentina oo kulankii furitaanka barbaro niyadjab leh la soo galay Iceland laakiin Croatia oo hore guul uga soo gaadhay Nigeria ayaa doonaysay in ay natiijo kale oo fiican ka hesho kulankan.

Kulankan ayaa ahaa mid si xoogan qaybtii hore ay labada xul qaran ugu dagaalameen iyada oo waliba uu ahaa mid jidh ahaan iyo awood ahaan laysku adeegsanayay waxayna labada xul ku ciyaarayeen tatikooyin gabi ahaanba kala duwan.

Xulka qaranka Argentina ayaa doonayay in ay ciyaarta si buuxda u maamulaan isla markaana ay kubbad dhis ku raadiyaan goolka furitaanka laakiin Croatia ayuu qorshahoodu ahaa in ay si xoogan u difaacdaan isla markaana ay weerar deg deg ah iyo kubbad tuuris dheer ay goolal ku raadiyaan taas oo ay halis badan ugu abuureen goolka Argentina.

DAQIIQADII 30 AAD Xulka qaranka Argentina ayaa helay fursad cajiib ah oo gool dhalineed kadib markii uu Meza si fiican u soo garaacay Subasic laakiin kubbada xerada ganaaxa uu soo dhigay waxaa darbo ku beegsaday goolka Croatia Perez kaas oo si cadaan ah u dhalin karayay goolka furitaanka balse waxa uu lumiyay fursada muhiimka ahayd ee uu helay.

DAQIIQADII 33 AAD  Mandzukic ayaa markiisa Croatia ka lumiyay fursad uu si cadaan ah ugu dhalin kari laaha goolka furitaanka kadib markii uu ka daba baxay difaaca Argentina isla markaana uu kubbad halis ah ka helay Vrsaljko laakiin waqti ay kubbadu dhaaftay ayuu Mandzukic madax duulaya meesha la yimid!.

DAQIIQADII 45+2 aad Luka Modric ayaa kubbad dilaa ah oo weerar deg deg ah u bixiyay Rebic oo dhinaca bidix ka boos qaatay laakiin ma rumaysan kartid qaabka liidata ee uu Rebic u lumiyay fursad qurux badnayd oo uu helay wuxuuna kubabada ku darbeeyay taaraboonka garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa noqotay mid adag oo ayna Argentina iyo Croatia midkoodna awoodin in ay wax goolal ah dhaliyaan inkasta oo Croatia ay wali natiijo fiican u ahayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay labada xul soo laabteen iyaga oo si xoogan u raadinayay goolka furitaanka iyada oo waliba Argentina uu markan culays wayni sii saarnaa si ay rajadeeda koobka aduunka gu dagalaanto.

DAQIIQADII 53 AAD Xulka qaranka Croatia ayaa si layaableh ula yimid goolka furitaanka kadib markii uu goolhaye  Willy Caballero musiib wayn ku noqday xulka qarankiisa Argentina isaga oo uu dib u soo furay Mercado awoodi wayayay in uu si fiican iskaga saaro laakiin kubbada uu la waayay darbada uu ku saari lahaa oo meel sare maraysa waxaa si qurux badan oo shabaqa ugu darebeeyay A. Rebić kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Croatia xaalada ugu sii xumaysay Argentina.

DAQIIQADII 54 AAD Sergio Aguero oo ciyaarta ku fashilmay ayaa la badalay waxaana kaydka laga soo kiciyay Gonzalo Higuain waxaana laba daqiiqo kadib ciyaarta la soo galiyay Cristian Pavon iyada oo la badalay E. Salvio waxayna Argentina bilaabeen in ay goolka barbaraha raadiyaan.

DAQIIQADII 64 AAD Argentina ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee gool lagu dhalin karayay kadib markii uu Higuain shaqo fiican soo qabtay laakiin laba darbo oo ay Messi iyo Meza ku raadiyeen goolka waxaa ka badbaadiyay  Subasic  iyo Rakatic fursadood oo xidhiidh ah si layaableh u beeniyay.

DAQIIQADII 68 AAD Argentina ayaa badalkooda ugu danbeeyay ee saddexaad ka dhigtay Paulo Dybala waxaana baxay Perez laakiin Argentina oo awood badan ku raadinaysay goolka barbaraha ayaa halis u galaysya in weerarka rogaal celiska ah ee Croatia ay halis kale ku sii gasho.

DAQIIQADII 80 AAD Xulka qaranka Croatia ayaa helay goolka dahabiga ah ee ay raadinayeen si ay Argentina u aamusiiyaan waxaana gool qurux badan 25 yards ka dhaliyay Luka Modric kaas oo inta uu Otamendi dhinac iskaga dhigay markale ceebeeyay goolhaye Willy Caballero waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Croatia hogaanka ku dheeraysatay.

Goolka labaad ee ay Croatia la timid waxa uu dhulka ku sii riday rajadii ay ciyaartoyda Argentina ka qabeen in ay ciyaarta ku soo laabtaan wuxuuna sare u sii qaaday kalsoonida Croatia oo tatiko ahaan iyo farsamo ahaanba si wayn ug saraysay Argentina.

DAQIIQADII 86 AAD Ivan Rakatic ayaa birta darbo laaga xorta ah ugu garaacay Argentina isaga oo si rasmi ah ciyaarta u soo gaba gabayn gaadhay laakiin Argentina ayaa wali raadinaysay qaabkii ay shabaqa Croatia ku gaadhi lahayd.

DAQIIQADII 90 AAD Ivan Rakatic ayaa goolka saddexaad ee ceebta iyo fadeexad u horseeday Argentina ku dhaliyay kubbad uu markii hore weerar cajiib ah uu iskaga laftiisu ku soo dhisay isla markaana uu darbo ku garaacay goolhayaha Argentina laakiin kubbada ayuu markale ku helay afaafka goolka Argentina wuxuuna si sahlan oo kalsooni ku jirto uu kubbada ugu dhaliyay goolka saddexaad ee Croatia wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Croatia ku dubanayso Argentina.

Argentina ayaa burburutay waxayna u muuqdeen kuwo ay si buuxda u soo dhamaatay rajadoodii koobka aduunku waxayna Croatia noqotay mid ciyaarta damaasaad ahaan ugu raaxaysanaysay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Croatia ku ceebaysay xulka qaranka Argentina taas oo rajadii koobka aduunka ee Argentina ka lushay dun miiq ah oo aad u taagdaran waxayna Argentina marka hore sugi doontaa kulanka Nigeria iyo Iceland ka hor inta ayna Nigeria la ciyaarin kulanka ay rajadeeda oo dhami ku xidhnaan karto.

Xigasho-Laacibnet

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.