Zidane Oo Si Aan La Fileyn Uga Jawaabey Sida Ay Noqon Doonto Real Hadii Uu Baxo Ronaldo

0
54

Macalinka kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa wuxuu diidey inuu si toos ah uu kaga jawaabo sida ay noqon doonto Madrid, hadii ka tago Boqorada horyaalka La Liga oo uu guulo fiican la gaarey.

Warar ayaa waxay sheegayaan in weerar yahankaan reer Portugal uu doonayo inuu laabashada Manchester United, islamarkaana uu hada yahay mid aanan ku farax-saneen garoonka Madrid. Laakiin, Zidane ayaa wuxuu hoos udhigey sheekooyinkaas isagoona si cad usheegay in ilaa iyo haatan waxa uu ogyahay ay tahay in Ronaldo, uu yahay mid ku farax-san Los Blancos, uuna lasii joogi doono.

Wuxuu yiri: “Waxaan ogahay ayaa in marka laga hadlo kooxda dhaxdeeda inuu yahay mid nagu farax-san oo nala joogi doono.

Wuxu intaas ku darey: “Laakiin aniga ma sheegi karo waxa ka dhacay banaanka garoonka, waxaana filayaa in aysan dhicin waxba inta aan joogo.

Wuxuu sii daba dhigey: “Ma qiyaasi karo sida ay noqon doonto Madrid hadii uu ka tago Los Blancos, laakiin maba filayo midaas.

Wuxuu kusoo gaba gabeeya: “Waxaan door-bidi lahaa inaan ka hadalno qaab ciyaareedkiisa iyo wax qabadkiisa, waxaana ognahay waxa uu soo qabtey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.