AQOONYAHANADII KA QAXAY QUNSULIYADDA TURKAYGA EE HARGAYSA OO QALINKA QAATAY:-W/Q SEID ALI ADEM .

0
197

AQOONYAHANADII  KA QAXAY QUNSULIYADDA TURKAYGA EE HARGAYSA OO QALINKA QAATAY:-W/Q SEID ALI ADEM .

Qunsuliyadda Turkey_gu ku leeyahay magaalada HARGAYSA ayaa tacaddi iyo cadaadis la wada ogyahay ku haysa umadda reer somaliland Gaar ahaad dadka u sucoda hawlaha caafimaad,Waxbarasho iyo siminaarada caalamiga ah.

Waxa ay ku kaliftaa ummadda reer somaliland inay safar u galaan Muqdisho,oo kharash Badani ka baxo ,Waxa ay kuliftaa in waddan ammaan ah ka tagaan, ayna tagaan waddan xaaladiisu cakirantahay kana tagaan hoygii ay xaqqa u lahaayeen in loogu adeego Una baqoolaan deegaano kale sida Muqdiaho.

 

Dadkan ayaa siyaabo kala duwan u socda sida:-Hawl caafimaad oo deg-deg ah,Wax barsho iyo qof hawlo shaqo  kaga qayb galaayaba ama siminaar caalami ah.

 

Qof waayeel ah,culus garbaha la hayo,oo kadinka laga celinaayo maalin kasta,sita waraaqihii kasoo baxay wasaaradaha somaliland sida:-xeer ilaalinta,arrimaha debadda,Danbi la’aanta(CID)Iyo wasaaradda caafimaadka wasaaraduhuna dhammaan lacago ka qaateen.

Shubay lacagtii dhakhtarka ama jaamacadda uu ku gelaayo oo ay taalo accountkooda.

 

Waxaa dhinta dad ay ballanta ay ku dheereeyaan,waxaa sidoo kale ku jaamacado beela aqoonyahano waayay hiigsigii ay lahaayeen haw badnaadaan ardayda Heerka labaad ee jaamacadda(Masters  degree/PDH) Oo lacagtii jaamacadda laga hayo muddana ay ku qaadanayso in loosoo celiyo lacagta taasoo ku sababaysa inuu jaamacado kale dib uga dhaco,waxaa shaqooyin ka habsaama masuuliyiin siminaaro caalamiya(NGO’S) iyo kuwo ganacsiba kaga qayb galaayay.

Waxaana bil kasta u duula Muqdisho  una doonta visa_ha Arday  iyo dad buka  boqolaal kor u dhaafaaya  kuwaasoo  Masuugay shaqadii safaaraddu u qaban lahayd,waxayna dadkaasi dhammaan helaan visahii lagu gumaysanaayay si sumcad leh iyo soo dhawayn wanaagsan oo lagu Qaabilo.

 MA DADKAA  HURDOO  AAN DOOC IYO DAREEN TOONA LAHAYN?!!,Aqoonyahanada waxaan leeyahay ma qalinkiina Ayaan shaqaynahayn?,Ma wadanka ayaydaan Dan Ka lahayn Mise dastuurkiisa  ayaydaan aqoon mise dadkiina ayaad dulmiga la doorateen?

Aqoonyahanda Xamar U Qaxaaya waxaan leeyah:-Qunsuliyaddu iyadaa fudud  ee Qalinkeena,fkeena iyo  DalkaDastuurku ha shaqeeyo?

Laso qaybaha danbe …………………..

Qalinkii;- SEID ALI ADEM
BA ECONOMICS
MA INTERNATIONAL RELATIONSHIP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.