DAMAC IYO UUR KU TAALLO

0
176

(Greed and Greevance)
Waddamada dhaqaalohoodu hooseeyo waxa halaakeeyay ama caqabad ku ah
dagaallada kooxaha gooni u goosadka 27 dagaal sokeeye ayaa ay diiwaan geliyay
machadka International peace research Institute (SIPRI 1999) sandkii 2002
kii,waxa kaloo la diiwaan geliyay 79 Civil war ama qalalaase oo Adduunka ka
dhacay intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1999 waxa sababay ayay leeyihiin labada
arrimood ee sare ku xusan waa koox doonaysa inay wax qaadato iyo koox rabta
inay ka ridato.
Labadan arrimood waa laba arrimood oo inta badan Sababa wax kasta oo
khilaaf,iska horimaad, rabshad,qalalaase,iska hor imaad iyo xataa Dagaal toos ah
sababa oo abuura kooxo gooni u goosad ah (Insurgency),Labada arrimood ta hore
waa Damaca waa dhaqaalaha oo loo beretamo oo midba mid is yidhaa uga horree
waxay isu dhigtaa qaab xariiq toosan oo sare u kacda (Vertical) xamaasadiisa ayaa
sare u kacda,waxa ka dhasha Musuqa,eexda, qarabakiilka,boobka IWM
Arrinta labaad waa Uurxumo,tani waxay ku sallaysantahay Qabiil,Jinsiyad,Midab
IWM arrintani iyadu xagga hoose ayay u baahdaa waxayna isu dhigtaa qaab
(Horizontal ) ah,Qoomiyadaha ama qabaailka ayaa kala shakiya oo waxa
yimaadda phobia,in fikir xun uun la kala aamino,in qolo kastaaba iska dhaadhiciso
in qoladan kale ay cadow isu yihiin.

Waxay labadan arrimood haddii ay sii socdaan isu sawiraan qaabkan Sawirkani
muujinayo,Tusaale ahaan haddii dabku hoosta ka baaho isla markaan kor u kaco
wuxuu gaadhi karaa meel fog.


Inta badan waddamada soo koraya waxay u qaybsamaan,Qaar is yidhaa inta aad
xilka haysaan ka buuxsada,iyo koox ama cid gaar ah oo iyaguna ku fikira side
ayaad uga ridataan,waa tan ta dhibta keenaysaa markaas
Waxa jira research ay qoreen labada nine e aragtidan (Hoefflier and Collier)
Horumariyay,markaad buuggan akhrido waxad fahmaysaa inay wax badan ka
jiraan baadhista ay sameeyeen labaas nin,waana bug aad muhiim u ah runtii oo
wax badan ka taraya wada noolanshaha dadyow kala ab iyo Isir duwan inay
waddan ku wada noolaan karaan.waxa kaluu faaiido badan u leeyahay dhinaca
hoggaaminta.
Aragtidani ay labadan nin aaminsanyihiin waxay tilmaamaysaa in mucaarid ama
jabhad gooni u goosad ahi aanay ahaynba danbiilayaal,ee uu yahay is fahmi waa ka

dhashay labadan arrimood ee sare ku xusan,waa damac iyo Uurxumo,waxa
isaguna aragtidan oo kale qaba Abwaan (Muuse Cali faruur) xilliyadii ay
jabhadaha hubaysani ka bilaabmeen Somalia wuxuu yidhi;-

“Kacaan diid waddani buu ahaa maamul kaarahaye
Siyaadow karbaashkii idlaa aad kab kabaysaye”

Abwaan muuse Cali faruur wuxu ahaa abwaanka keliya ee isagoo Xukuumaddii
Siyaad barre u shaqeeya haddana gabay mucaarid ah tiriyay,ee aan
baxsanin,sababtoo ah abwaanadu waxay ka baqi jireen in la dilo ama la xidho oo
inta badan iyagoo baxsaday ayay soo tirin jireen gabayga mucaaridka ah.
Muuse halkan wuxuu caddeeyay in ninka baxsaday ee ka soo hor jeestay
xukuumadda uu yahay nin waddanka wax ku leh oo Saluug tirsanaya,macneheedu
waa hoos ha loo eego,dabcan wuxuu taagerayaa oo ay ka midaysanyihiin labadan
nin ee Faylasuufka ah ee aaminsan in Mucarid ama gooni u goosad inaanu sidiisa
danbiile u ahayn ee waxbaa jira ee ha la baadho kama fogaanayso labadan (Factor)
waa damac iyo uurxumo.

MAXAA XAL U AH LABADAN ARRIMOOD
1-waa in la xoojiyaa ama la dhisaa Waddaniyadda oo la abuuraa waddan jacayl
laguna beddelaa halka qabyaaladda.
2-Waa in la ilaaliyaa Sinaanshaha Fursadaha shaqo iyo qandaraasyadaba

3-Waa in lala dagaalamaa Musuqa oo si cilmiyaysan oo talaabo tallaabo ah loo
bilaabaa,waxana fiican inanay ku soo booddo noqon ee loo dejiyaa Siyaasad iyo
Qorshe cad
4-Waa inuu mar kasta jiraa isla xisaabtan iyo daah furnaan
5-Waa in la xoojiyaa is dhexgalka bulshada iyo is aaminsanaanta
Wa billaahi towfiiq

Rashiid Odwaa
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.