Dhiiggoodii miyaa dhuuxoodii lagu addoonsaday?!!

0
280

Dhiiggoodii miyaa dhuuxoodii lagu addoonsaday?!!

Raadaalka dhibbanaha lama dhegaysto; waayo, dheg maqasho looma baahna, cod baahiyayaasha addimayaa ma dhibaan; waayo, waa nin dhergay talo ha weydiin. dhawaaqa dhiillada leh ee dhegaha ku soo dhacayaa waa dhibicda ilmada baahida ka dhalatay ee dadweynaha u ciillan qaran waxtara. Bayhoofka iyo balanbalka ka alkunmay maamul xumada, fashilka dawladda qabyaalladda ku dhisan ee Kulmiye iyo daryeel la’aanta bulshada, gabidda hawlaha danyarta, dibboodka sharciga, kala-sarraynta iyo hoosaynta caddaaladdu waa raadadka dulmiga iyo dullaysiga caqliga bulshada meel ay u dhaafto iyo meel ay ku dhaafto aan lahayn ee madaxda dulliga iyo dambiilayaasha ahi raakaabka qabiilka iyo qabyaaladda ku dhisan ku dhamaysteen.

Curfiga caafimaadka qaba iyo cuddudda caqliga’san ku jirtaa ma ogola caabuqa, cudurka iyo caaddifadda caantaynka ah ee ciilqabayaashu ku caano maalaan, balse caamada, carruurta iyo cid-ma-garata cuudkooda lagu caseeyo ayaa cagaha iyo sacabbada u garaaca ciilqabayaasha ciil-kama-koreyaasha ah.

Maaweelada carruurta lagu sabo iyo ereyada maxasta maskaxdooda lagu soo jiito ayaa ah been aan sal iyo raad lahayn oo maalin’ba mid daawaha laga soo qaado, si majaraha looga lumiyo laboodka lubbigoodu laabudka ahayn iyo in-yar-garatada aragtida gaaban leh.

28 Sano ka dib, maha in loo hambalyeeyo madaxweyne gaadhay gobol sabool ah, oo musuqa, sinnaan la’aanta iyo caddaalad darradu ragaadisay oo bulshadiisu dulmi ku nool yihiin, kaa oo dad, dal iyo dan ahaan’ba innaga liita,kaabayaasha dhaqaale iyo garsoor aan la mahadin leh, madaxweyne dunida ka xidhan oo doorasho dhac iyo boob ah ku fadhiya, gole aan garsoor lahayn iyo gogol aan gassiin lahayn ma geydo mudanteennii iyo hasheennii maandeeq.
Qosol beena fool wada qayaxan qiil aan garanaayo
Booran afkii laga qufulay qabarna hooseeye
Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
Ma anaa midiyo lay qarshaa laygu qali doono( Faarax Nuur)

Haddii dhaxalkii awoowyadeen la baabi’iyey oo tacabkoodii bar-kuma-taal laga dhigay, haddii dhuuxii shahiidka dhiiggii shadiidka lagu moosay, haddii qarankii qabiil loo beddelay, haddii qarankii dhadhamo iyo dhuuni raac laga doortay, haddii cabudhin iyo caga-jugleyn lagu seexdo, subaxdiina lagu waaberiisto, haddii xaalku sidan iyo sidaa yahay maxaan faa’iidnay maanta?
Hadafkii geesiyadii Daraawiishta ee aan ka gam’in gumaystihii Ingiriiska iyo Ujeeddadii halgankii halyeyadii SNM ee Macangeggii Siyaad Barre ee af libaax kala soo baxay hasheennii maandeeq maxaan ka faa’iidnay maanta?
Wixii geesi baxay, wixii nin rageed dhintay iyo madaxdii xornimada u halgantay dhiiggoodii miyaa dhuuxoodii lagu addoonsaday oo aayahoodii iyo mustaqbalkoodii indho la’aan iyo mugdi laga dhigay.

Jeelashu waxay la ciirciirayaan ruux dulmi ku xidhan, ruux ruux u xidhan, dulmi-diid dulmi u xidhan, Caddaalad-doon cunfi u xidhan, Sabool sokeeye u xidhan iyo danyar Madaxweyne u xidhan.
Dulqaadka, hal-adayga iyo huriddu waa astaamaha madaxweynaha iyo hoggaanka sugan, se car-juudh dheh cid laguma maamulo.
Haddaan dhay la heli Karin
Ama sixin la dhami Karin
Maan dhunkaal ba heensado. (Hadraawi

Shalay ayaa uu cod dheer ugu dhawaaqayay bulshada in taladii dalka la maroorsaday oo dad aan geyini gacanta ku hayaan, dantii guud la boobay, caddaaladdii iyo sinnaantii la garab maray, xaq-darro xoolo lagu dhaqday iyo in la hagrashaday mustaqbalka umadda Haddaba maanta xaalku waa sidee?
Kuma odhan abaal-laawe iyo waa inkire jaane
Waxaan idhi ayaantuu dharguu shallay illoobaa( Af-gudhiye)

Waxa aan dhawrnaa waa cadceedda, gabbal-dhaca iyo cawayska habeennimo dhawaqa dulmi-diidka oo dhegeheenna ku soo dhaca iyo ma dhageystayaasha oo dhadhamiya qadhaadhka dhitada ay dhigteen.
Yaxaaska ilmada daadinaaya, baroorta guumaysta saadaasha xun iyo budhcadnimada xalaashatay xoolaha ummaddu waa mid la curatay 9kii sano ee talada dalka maamulayey maangaabayada iyo dillaaliinta siyaasadda ee Kulmiye
Cuqubadu halkii lagu galay caw ku hurudaaye
Caruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama’e( Cabdi-gaheyr)

Mee dalkii mid ka ahaa ee lagu wareejiyey Kulmiye?
Ma qorshaa badheedhkiyo
Qurub lagu hirgeliyee
Qori tuurka Saadooy
Lagu kala sed qaatay
Qadder dhacay u haystaan?
Maalin ba garab ayaa sii hugmaaya, dhallinyaradii way sii socdaan, shaqo la’aantii way sii korodhay, Ciidamadu way kala furfurmayaan, kala-qoqobka ayaa xadka ka baxay, xanuunkii qabyaaladdu waa xeeladda lagu macaasho oo derejo ayaa uu gaadhay’ba, dareenkii dawladnimo lama qabo oo dadku ma arkaan dal iyo hoggaan yididdiilo leh.

Aqoon darrada iyo il-furnaan la’aanta maskaxdu waa mabda’a danaystaha Siyaasiga beenaalaha ahi ku kala fogeeyey dadka deriska iyo dan wadaagta walalaha ah, kaana waxay ka dhaxleen dib-u-dhac dhaqaale, aqooneed, Fikir, awoodeed iyo milgeed, kooxaysiga La kala ootay qoysaska Somalida ee mid ba meel lagu ooday waxay hor dhac u tahay gumaysiga casriga ah ee maskaxda iyo Muruqa Soomalida lagu burinaayo.

Ha kacaan bulshadu Ha tuuraan heeryada Siyaasiga qabiilaysan iyo dhagar-qabayaasha dhiillada sida ee ku mamay dhiigga, dhaqaalaha iyo dhaawaca wax-ma-dhaadada tamarta daran.
Aqoonyahanka, wax-garadka iyo Culimadu ha ka dhiidhiyaan gumaysiga Casriga ah ee Madaxda Daba-dhilif ka ahi Hor ka cayaan, haw gurmadaan Dhalinta iyo ubaxa Mustaqbalka dalka dhaxlaaya ee dhegaha iyo dhaqanka laga xumeeyey, ha lagu baraarujiyo cadawga fidmo ee ka hor taagan umadda midnimada, wada-jirka iyo iskaashiga oo ah furaha guusha Muqdisho iyo Hargeysa.

Noloshaan milga lahayn
Horaa looga maarmee
Muqdishiyo Hargeysaay
Muruqiyo laxaadkaan
Kala maarmi jirinow,
Taariikhdu waa marag
Waxay maanta joogtaa
Yaa maalijirayeey,
Ama waa la muuqdaa
Ama waa la maqan yahay,
Labadaasna kala miyo.

Haddaan lays maqmaqashiin
Midho hore u caan baxay
Qorigiyo masaartana
Madfac loogu jilib dhigin
Maahmaahna lagu darin
Maya,Maya-na lagu odhan
Ninka cunay magtaadii
Maandeeq la soo dhicin,
Anuun baa mataanaha
Mooyaha u tumayee
Madiixayga luuqdiyo
Masafada gadooddiyo
Malahaygu waa been,
Sidaan moodayaan jirin.

Muqdishiyo Hargeysaay
Cirka meelo ka onkodey
Milliqsiga hillaaciyo
Hanqarkiyo mardaaddiga
Meexaana carashada
Majaraha ha dherersado
Maanshaynta gobollada
Maadhiinka gaaxdiyo
Miyi sumuca haw xidho
Ha ku fido magaalada
Dalka subax ha wada maro
Ha ka maydho daafkiyo
Meegaarka qaybtiyo
Waabayda lagu mudey
Mirta hawgu kuur galo
Habartii masayrrey
Halka macandideediyo
Maxasteedu yaalliin
Ha jabsado misciriraha
Ha dhufsado mareegaha
Maqashana ha kala tago
Iyadana ha maraqsado.

Muqdishiyo Hargeysaay
Mukhawigu ha kaashado
Maaweeladiisii
Wuxuu maalintaa falo
Dadka hawga marag dhigo
Kolba dhagar ha mehersado
Ha ka dhigo marriinkana
Mucsur iyo waxba la ‘aan,
Ha ka dhigo minxiiskana
Murugiyo jar soo dumey;
Ha ka dhigo mashxaraddana
Muusannawga ooryaha
Martidana hadhkiisiyo
Ha ka dhigo malluugaha
Muunaynta xididkana
Ha ka dhigo macsiyo dhiig.
Mahwi laysu soo baxay
Madal iyo shir lays wacay
Marta hayska wada furo
Hayska dhigo mudh iyo gacan
Heesaha maraadka ah
Ha ku marin habaaboo
Masanuunka beenta ah
Musaraarka selelka ah
Murugada shallayga ah
Hawadiisa meydka ah
Meermeerka quusta ah
Falka meehannawga ah
Hanka mala awaalka ah
Ha ku maararrooboo
Runta muran ha geliyee
Makallaha u saynsaab
Sakalaha u maydhaan
Mindiyaha u soofee
Maddanaha dabkaw geli
Nabarkana u miisaan
Madhaxii u yiilliyo
Dhiilashii milaallaa
Ha maggaabiyee sii,
Dabadeeto meeshaas
Inay maalintii tahay
Uu Madmadowgu kaga jirey
Adna macallinkeediyo
Tahay mudanaheedii
Hadal miiggan ugu sheeg. (M. Hadraawi)

WQ/Suldaan Suleymaan Xirsi
E-mail: Caynaashe1977@gmail.com

Allah Mahad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.