HABKA IYO HANAANKA XASILINTA MAGAALADA MUQDISHO/W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

0
297

Ugu horayn aan ku bilaabo magaca ilaahay, waayo wax walba waxa ugu horeeya magaca ilaahay in la adeegsado maadaama aynu nahay ummad islaam ah, sidoo kalena isaga ayaa afdal ah “BISMILAHI RAXMAANI RAXIIM”.

Dhamaanteen waxaynu wada garanaynaa qiimaha uu amnigu inoo leeyahay sidoo kale waxaynu ogsoon nahay inaan noole qudhi ka maarmi Karin amni iyo deganaansho; waxa jira xadiis ka mid ah xadiisyada aynu ka dhaxalnay rasuulkeenii suubanaa(maxamed SCW) wuxuu rasuulkeenu yidhi:- “Amni Wal iimaan”, taas oo macnaheedu yahay in uu amnigu ka horeeyo iimaanka, waayo haddii aanad amni haysan si degan intaad masjidka u gasho ugu cibaadaysan maysid.

waxay soomaalidu ku maahmaahdaa :-war la helyaaba talo la hel”, sidaa awgeed waxan rajaynayaa inuu ilaahay I waafajiyo taladii ku haboonayd xasilinta amniga magaalada muqdisho, waxa aanan ilaahay ka baryayaa inuu shimbirka amniga iigu dhufto qalinkan aan u qaatay inaan kaga talo bixiyo xaaladda qaalafsan ee soo wajahday amniga magaalada muqdisho.

Aan yara sifeeyo muqdisho iyo waqtigan iyo waayadii hore sidii ay ahaan jiray,Muqdisho waa astaanta midnimada iyo wadajirka ummadda soomaaliyeed waana hal-bowlaha horumarka iyo muraayada qarankeenna iyo himilooyinka fog ee bulshadeena.

Caasimaddu waxa ay saldhig u tahay dhammaan hay’adaha dawliga ah ee dalka sida sharci dajinta, fulinta iyo adeegda garsoorka, talisyada ciidanka qalabka sida iyo safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Si magaaladu u noqoto mid hanata dhammaan dhinacyada kala duwan, waa in ay heshaa amni iyo deganaansho si ay hore uga socoto halka ay maanta joogto, waxayna u baahan tahay in lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtay waayihii hore, waayo soomaaliya waxay ahaan jirtay wadamada afrika ugu nabada fiican waxana loogu soo dalxiis tagi jiray si xawli ah. waana in lana jeexo wadada amni iyo xasilooni loogu abuuri karo caasimadda, iyada oo la diidaayo cid kasta oo u garba-goroyaynaysa dib u dhac iyo kala qub-qubnaan danbe oo soomaaliya iyo bulshadeedl loo horseedo.

Kaas oo bud-dhig u noqda inay caasimadu mar kale hoggaamiso caasimadaha kale ee gobolka iyo barantanka horumarineed ee ka jira mandaqada geeska afrika, taas oo laga dheehan karo sida ay hadda wax u socdaan ee ay ku hogaaminayso xukuumadda nabad iyo nolol ee ay hormuudka ka yihiin madaxwayne Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre .

Ugu horayn aan la hadlo oo aan siiyo talo ku haboon amniga magaalada muqdisho dadwaynaha ku dhaqan, sidoo kalena  aan ku socod siiyo guud ahaan xukuumadda talada dalka haysa ee la magac baxday NABAD IYO NOLOL, gaar ahaana gudida heer amni ee shalayto loo xushay inay xasiliyaan magaalada caasimada ee muqdisho, kana soo saaraan qodobo wax ku ool ah, kuwaas oo wax lagaga qaban karo xaaladda adag  ee  amni daro, taas oo  bilahan danbe soo food-saartay magaalada caasimada soomaaliya ee muqdisho, aniga oo qodobaynaya taladayda ama xeeladda xasilinta amniga ee magaalada muqdihso ee dalka soomaaliya; waana sidan tan,

                               QODOBKA KOOWAAD
Ugu horayn waxan aaminsan nahay oo aan taladayda ku bixin lahaa in la baabulo shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, waayo shacabku waa meesha ugu dhaw ee laga bilaabi karo in wax laga qabto amniga magaalada muqdisho, waana meesha ay ku dhex dhuumanayaan dadka nabad-diidka ahi, markaa haddii aan laga bilaabin shacabka dhexdiisa waxan aaminsan nahay inaanay waxba hagaagayn.

                                 QODOBKA LABAAD
In dhamaan wadooyinka halbawlaha ah iyo meelaha muhiimka ah ee magaalada muqdisho lagu taxo sawir kaydiyeyaasha  loo yaqaano  (CCTV), isla markaana waa in dhamaan ay yeeshaan meelo laga maamulo iyo in mar walba loola socdo si dhaw iyo si dheerba iyada oo loo shaqaalaysiinayo dad cilmi u leh garanayana qaybaheeda shaqo iyo ciladaheeda, sidoo kalena waa in ay qarsoonaadaan meesha lagu xidhaayaa si aan loo jabin Karin.  waayo waxay ka qayb qaadanayaan in si dhib yar loo ogaado wax walba meesha ay ka imanayaan iyo waliba sida ay u dhacayaan.

                                                 QODOBKA SADEXAAD

Waa in ciidamada qalabka sida ee xooga dalka soomaaliya la siiyaa dhamaan agabyada ay u baahan yihiin haddii ay noqoto mushahaarkooda, xaq iyo xuquuqdooda ciidanimo iyo saanadaha kala duwan ee ay ciidanku ugu baahan yihiin inay ku difaacaan dalka, taas oo ah hubka noocyadiisa kala duwan iyo rasaastiisa, waayo ciidamada xooga dalku waa tiirka koowaad ee xasilin karo ama lagu sugi karo amniga dalka iyo dadka soomaaliyeed, sidoo kalena waa inay helaan dhiirigalin ay ka helaan madaxda xukuumadda talada haysa ee nabad iyo nolol waana in si dhaw iyo si dheerba loola socdaa baahiyahooda gaarka ah iyo ta guud ba.

                                              QODOBKA AFRAAD

In dalalka dawlada ka taageera dhinaca dhaqaalaha ciidamada la iska hubiyo lana kala shaandheeyo, waayo dalalka ciidamada siinaya taageerada dhaqaale dal waliba wuxuu leeyahay dan gaar ah, markaa haddii uu dantiisa ka dhex arki waayo wuxuu isku daya-yaa khalkhal siyaasadeed iyo mid amni daro, kaas oo keeni kara qas iyo qalalaase baahsan oo ay ciidamaduna ku dhex milmi karaan siyaasadda dalka isla markaana sababi kara inuu amnigu faraha ka baxo.

kala shaandhaynta dalalka dhinaca dhaqaalaha ka taageera ciidamada qalabka sida ee dawlada soomaaliya waa in layska hubiyaa habka iyo hanaanka siyaasadeed ee ay maaliyadooda dhaqaale u bixinayaan waana in la kala haadiyaa oo laga soo reebaa oo qudha sadexda ama labada dal ee ay dhab ka tahay taageerada dhaqaale, lagana dhex arko inay danta iyo dalka iyo dadka soomaaliyeed la jiraan lagu soo reebaan taageerada dhaqaale ee ciidamada qalabka sida ee xooga dalka soomaaliyeed.

                                                       QODOBKA SHANAAD

In dhamaan lala shiro xisbiyada iyo shaqsiyaadka mucaaridka, waxna layska waydiiyo waxyaabaha ay tabanayaan xisbiyada iyo shaqsiyaadka mucaaridka ah, waxan soo jeedin lahaa inuu madaxwayanaha qaranka soomaaliya maxamed cabdulahi maxamed farmaajo uu fidiyo gogol balaadhan oo looga wada hadalaayo sidii dalkan iyo dadkan amnigooda loo kafaala qaadan lahaa, waana in shirkaa laysku laab-xaadhaa oo dantan dalka iyo dadka soomaaliyeed meel looga soo wada jeestaa.

Waana in isla meel dhigaa sidii soomaaliya looga saari lahaa dhibka iyo aafaadka ay la soo safartay mudada badan taas oo ay ka dhaxashay burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya, mucaaradka waa inaanay dalalka u horseedin habqan siyaasadeed iyo hagar-daamo dadwayne taas oo ay keenayso deganaansho la’aanta dalka ee dhinacyada siyaasada iyo amniga

                                                                   QODOBKA LIXAAD

In meel kasta oo magalaada muqdisho ku taala oo ah meelaha lagu farsameeyo gaadiidka iyo qalabka noocyadiisa kala duwan, lagu soo rogo amaro adag oo ay ku dheehan tahay xadhig, ganaax iyo baabiin lagu sameeyo dhamaan meelaha noocaas ah, waayo magaalada dhexdeeda ayaa lagu farsameeyaa waxyaabaha wax lagu qarxinaayo eel agama soo dhoofiyo dalal kale.

                                                                   QODOBKA TODOBAAD

Waxan soo jeedin lahaa in  amniga magaalada muqdihso lagu wareejiyaa maamulka gobolka banaadir, isla markaana waa in lagula xisaabtamaa, waayo marka amniga lagu wareejiyo hal meel oo aan meel labaad lahayn waxa fududaanaysa la xisaabtanka lala xisaabtamayo ciddaa loo xil saaray amniga magaalada muqdisho, halka ay iminka maamulaan gacmo fara badan sida maamulka gobolka banaadir, wwasraadda aminga gudaha dalka, iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada dalka iyo kuwa lagu magacaabo hawlgalka soomaaliya ee afrikada aan danta ka lahayn deganaanshaha dalka soomaaliya kuwaas oo moodaaya dal la helay. ugu danbayn waxa muhiim ah in la xasiliyo magaalada muqdisho, si dalka soomaaliya iyo dadka soomaaliya ay uga nastaan diiftii iyo diihaalkii dheeraa ee ay kasoo xanbaareen dawlada la’aantii kasoo bilaabantay muddo ku siman 28 sano.

                                                              UGU DANBAYN

Waa in dhamaan ciidamada hawlgalka afrikada lagu magacaabo dalka laga saaro oo aan xabad lagaga tagin waayo waa halka ay kasoo bilaabantay dhibka iyo aafadka ka jira dalka soomaaliya, kaas oo shacabka soomaalia ku reebay riiq iy ragaad ay kasoo waaqsan la-yihiin, sidoo kalena waa in ummada soomaaliyeed meel uga soo wada jeestaan sidii ay dalkooda uga dhicisan lahaayeen cadawga iyo dilaaliinta waawayn ee kaga soo duulay dal iyo debad-ba.

                               ALLAH  MAHAD LEH.

                   W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

                     mukhtaar590@gmail.com
Arooryomedia/Xafiiska Muqdisho
info@arooryomedia.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.