HOWLGALKA MILITRY EE MARAYKANKU SOMALIA KA WADO WAXAY QAADAN KARTAA TODDOBA SANO OO KALE

0
162

Wq.Ryan Browne
Todobaadkan ayuu madaxweynaha maraykanku saxeexay,In
howlgalka Ciidanka US ee Somalia lagu daro sanad dheeri ah,isagoo
ku sababeeyay halista kooxaha islamiyiinta ah oo wadanka Somalia
iyo Maraykanka naftiisaba ku haya halis aan caadi ahayn,hase
ahaatee haddii ay taasi tahay mudadii ugu danbaysay ee taageero
ciidan maraykanku siiyo Somalia,Sarakiisha maraykanku waxay
sheegeen in 7 Sanado ay qaadan karto haddi la doonayo in ciidamo
loo dhiso Somalia.
Arrintani waxay fursad u siinaysaa,in ciidamada khaaska ee
maraykanku ay tabobar siin karaan,Cutubyo ka mid ah Ciidanka
lugta si ay dhulka ugula dagaalamaan Kooxaha xidhiidhka la leh
Al-qaacida,war war ayaa ka jira markii la arkay in xukuumadda
Donald Trump ay doonayso inay dhinto ciidamada ka jooga
Adduunka,waxanu bilaabay inuu ka daad gureeyo Syria ciidankii
ka joogay,iyadoo ay ku taliyeen in illaa 2026ka loo bahanyahay inay
sii joogaan Ciidanka maraykanku.

Haddaba ugu yaraan muddo laba sano ah ayay koox yaroo ciidan
ah oo maraykan ahi tabobar siinayeen,ciidamo Somali ah si ay isaga
caabiyaan weerarrada kaga imanaya Al-shabaab,ciidankan
maraykanka shaqadiisa ayaa ah sidii ay ugu tabobari lahaayeen in
Ciidanka Somalidu ay iska celiyaan kooxaha Al-shabaab.
Kooxdan Ciidanka Somalida oo loo yaqaan (Danab) macneheedu
yahay kuwii Onkodka,ayaa aad u tiro yar waxana lagu qiyaasaa 500
oo askari keliya,waa tiro aad u yar marka loo eego Xeebta Somalida
oo u dheer si la mid ah Xeebta Bari ee Maraykabka,Sarakiisha
maraykanku waxay sheegeen in qorshuhu yahay in illaa 3000 la
gaadhsiiyo bal si ay in uun wax uga taraan inay Alshabab kula
dagaalaman tuulooyinka iyo magaaloyinka gudahooda.
“Sida qorshaha sanadka ku jirta waxa la doonayaa in shan guutto
loo habeeyo iyo Taliskooda”Becky farmer oo ah afhayeenka
Ciidanka African Command ayaa u sheegay CNN.
“Waxanu filaynaa in ay toddoba sano qaadanayso si howshan loo
qabto”sidaas waxa yidhi Sarkaal caan ku ah la dagaalanka
Argagixisada waxa kaloo uu intaas raaciyay”haddi shaqadan si
dacadnimo ah loo bilaabo waxa loo dhamayn karaa si deg deg ah oo
Fudud”
Muddo Rubuc qarni ah ka dib markii ay soo dhacday Diyaaraddii
“Black hawkdown”isla markaana lagu dilay muqdisho 18 askari oo
maraykan ah,ayaa haddana wali maraykanku uu markii labaad
isku dayaya inuu Somalia wax ka qabto,Somalia waa halka keliya ee
Maraykanku ka gaysto Duqaymo xagga cirka ah,maraykanka ayay
Ciidamo xoog ahi ka joogaan Jabuuti iyo Niger.
Tan iyo intii la geeyay kooxaha talo bixinta iyo tabobarka ee
marayka Somalia sanadkii 2013 kii,qorshahan woxoogay faaiido ah ayuu gaadhay mudadii uu xukunka hayay Donald Trump,waxa
tabobar la siiyay Kooxda Ciidanka danab haba iska yaraato
tiradooduye,waxa kaloo la kordhiyay Duqaymaha cirka ee loo
gaystay al shabaab,waxa kaloo dib loo furay safaaraddii
maraykanku ku lahaa muqdisho oo xidhnayd tan iyo 1991kii,wuxuu
trump awood u siiyay Ciidanka marayka inay qaadi karaan
duqaymo marka ay doonaan halkii awal hore ay isdifaac ka ahayd
xaalkoodu.

Waxay sheegayaan ah sanadkan 255 dagaal yahan ay dileen kadib
30 weerar oo duqaymo ah,2018 ayay sidoo kale sheegen 47 weerar
inay ku dileen 337 dagaalyahan,sidoo kale 2017 ayay sheegeen inay
fulieen 35 weerar halka ay sanadkii 2016kii ay sheegen inay qadeen
15 weerar,weerarradan inta badan waxay sheegen inay ka fuliyaan
gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka.
“Ujeedadayadu waxa weeyaan inaan bur burino shabakadda isku
xidhnaantooda” big,General Wiliam west ayaa sidaas u sheegay
CNN hase ahatee xubno ka tirsan Aqalka cad iyo hayadda amnesty
International ayaa Canbaareeyay Duqaymahan iyagoo sheegay inay
waxyeelo ka soo gaadho Rayidka,in kastoo ay eedahas xukuumadda
maraykanku dhinac isaga riixday waxayna sheegftay in laba qof oo
shicib ah ku dhinteen keliya tan iyo intii howshani soctay.
Maj General Greg olson agaasimaha Howl-gallada ee Ciidanka
maraykanka ee African Command ayaa ku doodaya,inuu
werarkoodu Nidaamsanyahay,oo uu haysto Istratejiyad sax
ah,waxanu ilaalinaynaa waddamada Xulafada nala ah ee Gobolka
gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya oo iayguna dagaal kula jira
Alshabaab.
KULANKII LONDON

Habkan istrategiyadda Cusub wuxu ka soo baxay kulankii London
ay ku yeesheen,waddamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin
UK.US,Ethiopia,Kenya iyo wakiillo ka socda UN iyo AU ay ku lafo
gureen Mustaqbalka Somalia
In kastoo sannado badan ay Ciidamada Nabad ilaalinta ee Afrika
Amisom ay dagaal kula jireen Alshabab,haddana alshabaab waxay
muujisay inay tahay xoog adag,waxayna weearo ku qaaday xarumo
badan oo Amisom waxayna gacanta ku dhigeen Saanad military iyo
Gaadiid dagaal.

Waxa la isku afgartay shirka London in la abuuro Ciidan Militry oo
18,000 oo askari iyo Police ka kooban maamullada iyo Federalka oo
dhan 32,000 si ay u bedelaan ciidamada Amisom marka ay ka
baxaan Somalia,maraykanku wuxuu goobta kaga dhawaaqay inuu
tabobar u fidin doono Guutada (Danab) ee uu haddaba gacanta ku
hayo,lkn wuxu tibaaxay in Turkey,EU,iyo UAE Ciidamo badan oo
ay tabobareen ay noqdeen hal bacaad lagu lisay Tusaale wuxu u soo
qaattay 6000 oo ay tabobareen EU inanay ku biirin ciidanka
Qaranka ee ay Suuqa galeen qaarkoodna malleeshiyo beeleedyo
raaceen taas oo ka dhigaysa wax samada ku maqan in Ciidan
Somalia loo dhiso.
Waxa kaloo af hayeenka African Command ee Ciidanka
maraykanku carabka ku dhuftay inaan xattaa Guutada ay
tabobarka siiyeen ee (Danab) ee Imika xukuumadu gacanta ku
hayso aan la hubin ama aan la aamini Karin ee wajiga ay rabaan u
shaqayn karaan,iyagoo kolka horeba hab reer lagu keenay.
CALAAMADO MUUJINAYA HORUMAR

Diplomasiyiin badan oo maraykan ah,Sarakiil military iyo
saraakiisha Gargaarku waxay sheegeen in Xoogaa Dib u habayn
xagga amniga ah laga daremayo magaloyinka.
Kordhinta sanadka ah ee joogitanka Ciidanka maraykan ee Somalia
ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu Raiisalwasaraha Somalia Xasan Ali
khayrre uu booqasho shaqo ku joogo Maraykanka,waxanu la
kulmayaa John Bolton oo ah la taliyaha Trump ee arrimaha
Amniga.
Khayre oo abaal marin lagu siiyay dhinaca ka shaqaynta amniga
ayaa wuxu booqday aqalka gaashandhigga Maraykanka ee
Pentagon.
Meelaha ay sarakiisha Maraykanku tilmaameen in horumar laga
gaadhay waxa ka mid ah Kismayo,oo ay sheegeen in 1000 qoys dib u
dejin loogu sameeyay.waxayse sheegeen in muqdisho hareereheedu
ay yihiin meelo ay hoy ku leyihiin al shabaab oo ay mar kastaba
Daraasiin dad ah ku dilaan.askarigii maraykan ahaa ee ugu
danbeeyay (Srgent,Alexander Conrad) waxa ku dhintay muqdisho
Juun 2018 mar ay ciidanka maraykanku garab siinayeen Xoogaga
amniga ee Somalia,
Sarakiisha maraykanka ayaa ku qiyaasay 5000 illaa 7000 oo dagaal
yahan inay ka dagaalamayaan muqdisho iyo hareereheeda.waxayna
toos u xukumaan 20% wadanka.
DAGAAL DABADII
Waxa is waydiin u bahan in xoogga loo samayn doono Somalia ay
noqon karaan,qaar hanan kara ama lagu aamini karo inay wadanka
hayaan marka ay ka baxaan ciidamada shisheeye,waxa kaloo u
bahan in la hubiyo xaaladda Aadminimo,waxa kaloo xusid u bahan

in ay yartahay caawimada maraykanku bixiyo oo ah 60 milion taas
oo ka yar intii uu bixin jiray sannadihii hore.
Sarakiisha maraykanku waxay sheegeen xattaa haddiba alshabaab
laga guulaysto,inan howshu halkaas ku dhamaan doonin ee ay sii
jiri doonaan Aanooyinka iyo Uur kutaallada qabiilku muddo lagu
qiyasi karo 100 sano.
Waxa tarjumay
Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and International Relation
Khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.