Madaxweyne Farmaajo Oo Sii Dheereystey Safarkiisi Dibada.

0
158

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.

Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.

Safarka Madaxeweynaha ayaa sii dheeraaday, iyadoo dalkii afaraad uu tagay muddo todobaad gudahood, waxaa uu horay u tagay dalalka Talyaaniga, Turkiga iyo Uganda, waxaa dad badan ay soo xusuusanayaan hadaladii Madaxweyne Farmaajo intii uu ololaha ku jiray oo uu Madaxdii hore ku eedeyn jiray safarada badan ee dibadda, waxaana mudada sanad iyo barka uu xafiiska joogo uu galay safaro dibadeed u badnaa martiqaadyo uu ka helay Madaxda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.