MAXAAD KA TAQAANNAA CAADIFADDA (EMOTION)

0
165

Xamaasadda ama caadifadda waa arrin la xidhiidha xagga maskaxda gaar ahaan,
waxay ka tarjuntaa jawaabaha uu qof ka bixinayo Waxyaabaha la soo darsa ee ay
ka mid yihiim dareenka,Farxadda,cadhada,naxdinta,muruqada iwm waxa
kaloo oo lagu sharxi karaa “caadifaddu waa jawaabaha Togan ama taban ee uu
qofku ka bixiyo xaalad gaar ah oo la soo derista ama bulshada dhex
timaadda”
Mararka qaarkood xamaasadda ama caadifadda waa wax laga akhrisan karo wajiga
qofka,ama ficilka uu ku dhaqaaqayo,waxa la arki karaa qofka oo wajigiisu is
beddel samaynayo,oo marna Ururayo,mar madobanayo,marna iftiimayo,waxa
kaloo lagu arki karaa dhidid ama gariir dibnaha iyo xubnaha faraha ah gaar ahaan
marka uu cadho daremo.

Waxa muhuiim ah marka aad qiimaynayso shakhsi,koox,xukumad xisbi iyo xaalad
kasta oo kula soo darista,waxa fiican inaad jiho kasta ka istaagto oo aad ka soo
eegto,macnaha waa inaad ku kor wareegtaa,oo aad isu eegtaa Wanaagga iyo
xumaanta ka dibna aad miisaanka saarto,waxa dhacda haddaba in qofku caadifad

darted uu dhinac keliya wax ka eego hadhowna sidii uu rabay ay xaaladdu ka
duwanaato.
Waxa dhacda bulshada dhexdeeda siiba dadka siyaasiyiinta ah in ay Qof ama xisbi
aad ula dhacaan,ama taageeradooda illaa xad siiyaan,dadkana isku dayaan si kasta
oo ay ku qaadato inuu ka dhaadhiciyo,hadhow ayay xaalladu si kale noqottaa
wuxuu ku soo noqdaa dadkii uu ku lahaa taagerada bixiya,wuxuuna yidhaa aynu ka
hornimaadno,ka dib dadka waxa ku dhaca yaab!waxay yidhahdaan oo sowdigii
shalay na lahaa xaggan u kaca,sidaas si la mid ah ayuu nacayb iyo xumaan ka
faafiyaa Cid gaar ah,koox ama xisbi barri ayuu haddana,ammaan iyo kalgacayl
kula dul kufaa Sidee ayay u soconaysaa,arrintani waxay keentaa in siyaasiyiin
badan ay kaga baxaan masraxa siyaasadda,oo ay noqdaan qaar aah la isku hallayn
Karin,waayo kolka hore ayuu wixiisu caadifad ku dhisnaa.
Somalida dareenka caadifadda waxa hogaamiya ama dabada ka riixaa waa
Qabiilka,kooxaysiga dano shakhsi iwm,inta badan miisaanka uu sittaa waa kuwan
aynu sare ku xusnay haddii uu ka waayo waxa laga yabaa inuu dhinaca kale u dhgo
ama uu cadaalad darro ku qaado,isagoo aan waxba hubsan.

DIINTA ISLAAMKA IYO CAADIFADDA
Diinteenna iyo sunada nabiga (SCW)siyaabo kala duwan ayay ugu soo aroortay
Caadifadda waxa ka mid ah” markii Nabi Daauud ay isula yimadeen laba
Malag oo qaabkii Aadmino iska soo dhigay,ee ay taandhadii uu fadhiyi jiray
ugu soo galeen xilli aanu filayn wuu naxay,waxay ku yidhahdeen ha naga
baqan waxanu nahay laba nin oo Muransan,Walalkay wuxu leeyahay 99 neef
oo ido ah aniguna waxan leeyahay 1 lax ah,ka dib wuxuu igu yidhi 100 hay
noqoto ee iigu buuxi laxdaada,Sidaas ayanu isku haysanna ee na kala
xukun,Nabi daauud (CS) wuu cadhooday waanu is beddelay wuxuna yidhi

Dhab ahaan wuu ku dulmiyay,markuu ku waydiistay laxdaada,dad badan oo
kuwa wax isku darsada ahina way is dulmiyaan,Garo oo Ninkii kale waxba
muu waydiin,ka dib waxa dhacday labadii malag ayaa is eegay,Markaas ayuu
dareen qaattay Nabi daauud wuxuu fahmay in la imtixaamayo oo deg degay
waxanu la dhacay Sujuud,”waxad halkaas ka fahmaysaa in deg dega aan la inoo
ogolayn,maadaama rasuushii ilahay soo diray sidaas loogu imtixaamay.
Xadiis ayaa tilmaamay nabiga ka sugnaaday inuu nabigu (SCW) arkay nin
cadhonaya,oo Xawlal mariidadu boodayaan,wuxu yidhi Rasuulku hadduu
shaydaanka iska naaro u fiicnaan lahaydee”waxa kaloo nabiga laga soo wariyay in
uu inna faray in qofku haddii isagoo taagan uu cadhoodo inuu fadhiisto,haddii uu
fadhiyo inuu jiifsado,haddii uu ku qaboobi waayo inuu waysaysto,Ilahaybaa
xikmad leh lkn waxa ka muuqatta meesha in laga hor tagayo in qofku go aan deg
deg ah qaatto ka dibna dhibi dhacdo.

Xikmad ayaa odhanysa haddii qof dhiigu ka daadanayo kuu yimaaddo,ha boodin
oo markaba ha raacin adigoo dagaal u xaytay,se waxad hubsattaa bal in qofkii kan
soo dakhray uu isagiina dhintay,
Dhibaatooyinka jira waxa ka mid ah Waxa laga yaabaa inaad aragto Shakhsiyaad
aqoonyahan ah,oo garbaduub ay u xidhay Qabiil,ama koox waxana wakhtigan la
arkaa aqoonyanno galay kaalintii cuqaasha oo iyagu loo doorto Guddoomiyaha
beesha reer hebel,halkii ay ka ahaan lahayd inuu hoggamiyo umadda.
Waxyaabahan aynu ka hadlayno oo dhan,waa xanuun Somalida ku dhacay, waxa
dhacda inuu shakhsigu haddii uuna la shaqayn heerkulka reerka ,kolba halka uu
marayo cidlo ayu ku dhacaya,sidaas darteed waa inuu Caadifi noqdaa danaha
reerka u hadla,hadii kale waxa hoos u dhacaya qiimihii uu reerka ku lahaa sidaas
darteed ninkii aqoonta lahaa gar iyo gardarro waa inuu reerka u hadlaa si hadhow

shaqada soo baxda isaga loogu riixo,sababtu waxay tahay reerka ayuu is dhinac
taagay maalintii ay hiil u baahnayeen.
Haddii haddaba ay sidaas ku sii socoto oo Aqoonyahan kastaa,iyo qof kastoo
magac lihi uu noqdo mid ku tiirsan uun xagga reerka,halkaas waxad moodda in tii
guud ku lumayso,ta guud ayaana ka muhiimsan ta gaarka waxay u baahan tahay in
siyaasad lagaga hortagyo arrimahaas la dejiyo.
MAXAA XAL U AH CAADIFADDA
1-Horta qofku waa inuu isagu naftiisa dib ugu noqdaa,oo xakameeyaa dareenkiisa
caadifaddda,waa inuu wanaajiyaa xidhiidhka uu la leeyahay bulshada guud ahaan
iyo gaar ahaanba.
2-waxa fiican in qofku dabacsanaan ku noolaado,isla markaan uu badiyo
saamaxaada,si uu u raaxaysto.waxa fiican in qofku mar kasta xagga wanaagga wax
ka eego.
3-Waxa fiican mar kasta oo qofku dareemo caadifad iyo cadho inuu ilaahay u noqo
oo xuskiisa badiyo,waayo xuska ilahay ayay qalbiyadu ku degaan,waxayna qofks
ka caawinaysaa inaanu shaydaan ka faaiidaysan.

Wa billahi towfiiq
Rashiid Odawaa
khadarsalaan@gmail,com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.