MAXAAD KA TAQAANNAA DHULGOOSIGA AMA DHULBOOBKA

0
85

(FEUDALISM)

Dhulgoosigu wuxuu ahaa dabeecad ka jirtay qaaradda
Yurub waayadii Dhexe (medieval period),waxay ahayd
Boqorka,maalqabenka ama mayorka ayaa lahaa dhulka
dhamaan dadka kalena waxay u ahaayeen shaqaale
beeraha u qoda, ama waabu kirayn jiray oo waxa ay
dadka danyarta ahi beertaan ayuu sadex meelood meel
qaattaa,sababtu waxa weeyaan boqorka ayaa ciidanka iyo
howlihiisa ku dabaraya maadama boqorku masuul ka
yahay arrimaha difaaca iyo Gashandhigga.

Inta badan dhulgoosadku wuxuu ahaa qaab dhismeedka
Bulshada,ama ilbaxnimada markaas jirtay hase ahaatee
wuxuu sababay inay soo baxaan niman dhulkii yeeshay
oo (Landlord) la yidhaa,waxana amaysmay dabaqado isku
dul noolaansho ah,markii danbe waxay isu bedeshay
Hantigoosi (Capitalism) waana meelaha ay ka
abuurmeen kacdoonada shacabku ama isbeddel doonku
(karl max ) oo ka mid ahaa dadkii soo saaray Mabda a
Hantiwadaagga ayaa wuxu ku sharxay dhulgoosigu inay
tahay arrin abuuraysa Isku dul nolansho iyo dhiigmiirad
(explotation).
Haddaba Hargeisa iyo magaloyin kale ee S/land, maanta
ayuu ka jiraa dhulgoosadku, Waxanu la baxay magac kale
oo la yidhaa Dhul-boob haddii aad u fiirsato
hargeisa,Waxad arki kartaa niman (Landlord) ah oo
dhulkii qabsaday,dadkii u dhowaa ama ehelka u ahaana
ka dhigay canaasiir u difaacda dhulka,waxa laga yaabaa
kan difaaca ku soo raacayaa inanu haysan hoy uu galo
ama uu kiro ku jiroba,waana kii xaqa u lahaa in dhulkan
wax laga siiyo, dulmi badan ayaa ka abuurmay waxayna
bulshada dhexdeeda ku keentay dhibaato iyo
muran,waxana jirta in xattaa laba walaalo ah ama ilmader
ahi isku dilaan.

Qofku wuxuu ku xisaabtanayaa inuu fadhiga ku qaatto
lacag badan oo kumankun Dollar ah,oo aanu u soo
dhididin meelna u soo marin,dabcan kii garabkiisa
joogayna isaguna intaas in leeg ayuu rabaa oo halkii ay ka
ahayd dhulka in la dego waxay isu bedeshay Ganacsi,dad
badan ayaa arrimahan ku lug yeeshay oo ka mida
bulshada qaybeheeda kala duwan ah, taas ayaa aburaysa
Muran dhul iyo iska hor imaad.

Waxa kaloo jirta in dad badan,noloshoodii ay noqotay
inuu maxakamad ku sii kallaho muddo aad u
dheer,wuxuuna dhaxal ahaan uga tagayaa carruurtiisa
marka uu dhinto oo iyaguna isla halkii dacwadda ka sii
ambaqaadaya,waxa kaloo jirta in dad badan oo hanti lahaa
oo bulshada magac iyo sharaf ku dhex lahaa inay
hantidoodii ku waayeen siday arrimahan ugu jireen oo ay
noqdeen dad musalafay arrintaasi dhib faro badan ayay
bulshada ku haysaa.
Xukuumadda ayay ahayd inay dhulka iyadu lahaato,oo
qofkii u bahan ay meel dejiso,dadkana sidaas ayay
dantoodu ku jirtaa oo ay ku kala nabad geli karaan,hase
ahaatee taasi ma jirto waxana dhulkii gacanta ku dhigay
dad gaar ah oo aanay jirin sabab ay ku leeyihiin,wuxu

dhufays ka dhigtay qabiil,dadkii reerkooda ahaa ee dhulka
u baahnaa ayaa isagii difaacaya,lkn ma odhanayan dhulka
wax naga sii aanu kula difaacnee.
Xukuumaddu siyaasad cad umay dejin oo arrintan wax
lagaga qabanayo,waxa fiicnan lahayd in hab loo dejiyo
iyadoo loo tixraacayo diinta islaamka,waxay ahayd in
suaalahani la isweydiiyo.qaabkee ayuu qofku u mari kara
inuu dhul faro badan yeesho?sidee ayuu xalaal ugu noqon
karaa ama ku hantiyi karaa? Iyo suaalo kaloo badan.
Diinta islaamku waxay jidaysay in qofku dhulka uu
sheeganayo uu ku camiro muddo sanad ah,macnaha uu ka
sameeyo Beero ama dhisme,haddii aanu ku camirayn
dadka kale kama laha waxana dhulka la waregaya
xukuumadda.
Soo jeedin
1-Waa in xukuumaddu u dejisaa Siyaasad cad qaabka
dhulka qofku u yeelan karo ee anay noqon iska sheego
uun iyo waan qabsaday.
2-Waa in cashuur qaali ah la saaraa qofka dhul sheegta si
uu faraha ugaga gubto oo uu uga cararo,ama uu deg deg u
dhiso.

3-Waa in laga wacyi geliyaa dadka oo loo sheegaa Diin
ahaan inay xaaran tahay in qofku dhul aanu lahayn iska
sheegto oo uu dadkii degi lahaa ee masaakiinta ahaa ka
horjoogsado inuu naar ku mutaysan doono.
4-waa in dadka laga wacyigeliyaa inanay noloshu dad
ahaan iyo dal ahaanba ku hagaagayn in dhulka la boobo
oo ay ka haboontahay in qofka dhul rabaa sifo xalaal ah
ku raadsado.
5-In dadka dhalinyarta ah ee loo adegsanayo dhulboobka
ee balwadaha dhex muquurtay,lala raadiyo shaqo abuur
iyo mustaqbal wanaagsan.

Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.