Taliyihi Ciidamada Mareykanka Ee Africa Oo Booqasho Ku Imi Magalada Muqdisho+Muuqaal.

0
175

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Gen Thomas D. Waldhauser ayaa booqasho lama filaan ah shalay ku yimid magaalada Muqdisho, inkastoo booqashadaas aheyd mid qarsoodi ah oo aan la shaacin.

Taliyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Don Yamamoto iyo Saraakiil kale.

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Maxalliga Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa kulan albaabada uu u xirnaa la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kulanka uu saacado badan qaatay.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, arrimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah la dagaalanka Al-Shabaab, taageerida Mareykanka ee dowladda Federaalka iyo arrimo kale.

Inkastoo kulankan aanay shaacin Madaxtooyada iyo warbaahinta dowladda, hadana ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhowr saacadood kulan albaabada u xiran la qaatay Saraakiisha Mareykanka, kaddib markii uu shalay ka yimid Nairobi.

Taliyaha ayaa sheegay in dalab kasta oo dowladda Federaalka uga yimaada ay sameyn doonaan, haddii ay tahay taageerada dhinaca milateri.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa kordhiyay waxaa uu qoraalo ka soo saaraa duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab oo lagu taageero dowladda Soomaaliya, waxaana sanadkan kaliya kordhay weerarada duqeymaha ee Mareykanka ka fuliyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.