WAA MAXAY MACNAHA PO L I C E/WQ:-RASHIID ODOWAA

0
192

Police erayga macnihiisu wuxuu ka yimid kalmado la isu geeyay oo dhamantood
tilmaamaya Edeb ,addeecid,sharci iyo kala danbayn,dadaal,dhiirranaan iyo
joogtayn iwm.

Police wuxuu ka koobanyahay erayadan oo la soo gaabaiyay marka la isku daro
ayay noqonayaan “polite+obedient+loyal+intelligent+courageous+efficient
=police” si kale haddii loo dhigo waa hayadda ka hortagga iyo baadhista
danbiyada,waxayna ilaalisaa kala danbaynta bulshada dhexdeeda.
Waxa jirta waddamada adduunka,sida xaaladooda nololeed iyo ilbaxnimo u kala
duwantahay,ayay police koofuna u kala duwanyahay.shucuubtuna dabcan way kala
duwanyihiin,oo qaarba ilbaxnimadoodu meel ayay gaadhsiisantahay.

Boolisku waxay u xilsaaranyihiin inay joogteyaan amniga,waxay ka hortagaan
rabshadaha iyo qalalaasaha iyadoo lagu xisaabtamo xadka uu leeyahay rabshadda
laga hortagayaa,waxa u xilsaaranyihiin inay soo qabtaan qof waran maxkamaded
loo hayo haddii uu ku imanwaayo,dhinaca kale booliiska waxa laga rabaa inay
ilaaliyaan dad banaanbax nabad ah samaynaya oo ay garab socdaan,waxa kaloo ay
masuuliyad ka saarantahay qofka isagu is dilaya ama guri iska soo tuuraya.

Ma jiro meel ay ku taallo,caqlan wa sharcan in qofka police ka ah la dilo isaguna
uu gacmaha ka laabto,ee wuxu xag u leeyahay habkii uu u maarayn karo inuu uga
hor tago cidda weerar kala hortimaadda waxa qiyaas u bahan xoogga ka hor
imanyaa,inta uu leegyahay.
Qofku waxa wanaagsan inuu ka doodo,wixii loo danbi ah ee loo haysto,ama uu ka
dacwoodo wixii isaga ka maqan,maaha qofku inuu qaatto wax aanu lahayn ee waa
inuu isagoo bilaa danbi ah ka baxaa albaabka uu doono maxkamadda
horteda,haddiise uu isagu buuq samaysto oo ka horyimaaddo booliska ama cararo
waxa laga yabaa inay dhibaato kale timaaddo.
Raadkii uu ka tagay xukunkii Siyaad barre ayaa wali dadka dhegahooda ka sii
guuxaya,waxad maqlaysaa in badan iyagoo leh Siyaab barre ayaanu ka diidnay,
waxase fahan u baahan wixii xukunkii siyaad barre lagaga hor yimid in barto
muxuu ahaa? Ma qof la xidhay ayaa lagaga horyimi Siyaad barre?illayn dadku waa
dadkii uun xukuumad macneheeduna waa xukuumad,taas ayaa is waydiin u
baahan.
Qofka booliska ah sharcigu wuu qabtaa,waliba wuu u nugul yahay,marka qofka
muwaadinka ahi uu sharciga u hoggaansanyahay,labada inuu adeecitanku ka
yimaadda xagga muwaadinka weyaan,haddii qofka mawadinka ahi doorkiisa garan
waayo oo uu lumiyo,oo uu xadgudbo,markaas ayaa waxa ka dhalanaya cawaaqib
xumo.
Rashiid Odowaa
M.A DIPLOMACY AND INTERNATIONAL RELATION
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.