WARBIXIN: Dib u xasuuso,tababarihii ugu fiicnaa taariihda kubada cagta soo maray Sir Alex Fergusan.

0
197

Sir Alex Fergusan waxaa loo tix geliyaa in uu yahay tababarihii ugu fiicnaa tariikhda kubada cagta soo mara, tababarihii hore kooxda Manchester United ayaa isaga fadhiistay 2013kii, leylinta kooxda Manchester United iyo dhamaan kubada Cagta waxa uu guulo waa weyn oo taariikhi ah la gaaray kooxda Manchester United, waana wax aan idhaha laga dadan karin.

Fergusan ayaa ka sameeyey guulo gudaha England oo uu ku hogaaminayey Manchester United iyo qaarada Yurub, waxa uu ahaa tababare leh aragti fog igo mid hoosaba waxa uuna soo saaray xidigo badan oo noqday ” Classic” ama cajiib.

Fergusan waxa uu kooxda United kula guuleestay 38 koob oo ah koobab kala duwan oo ku matalayey kooxdiisa Man United. Tababarahan kasoo jeeda dalka Scotland ee Sir Alex Fergusan ayaa kooxda kula guuleestay 2 koob Champions Leugue ah, 1999 uu ka qaaday kooxda Bayern Munich ciyaartii la yaabka laheyd oo 3 daqiiqo ugu qaaday kooxda United iyo 2008kii oo uu ka xayuubiyey kooxda Chelsea ciyaar kusoo idlaatay 1-1 ugu dambeyna ku qaaday rigoorayaal.

Fergusan waxa uu soo saaray ciyaaryahano cajiib ah dunidana uu baray sida Cristiano Ronaldo oo kale, Wayne Rooneey iyo ciyaaryahano Kale.

Fergason ka hor kooxda United waxa usoo leeliyey kooxo ka dhisan gudaha dalkiisa, waxa uuna lasoo qaaday koobab muhiim ah 11 koob ayuu kula soo guuleestay taasoo ka dhigeesa in noloshiisa uu ku guuleestay 49 koob, Haddaba eeg sida uu ugu guuleestay koobabka kooxaha usoo tababaray Sir-ka.

ST MIRREN

Scottish First Division (1): 1976-77.

ABERDEEN

Scottish Premier Division (3): 1979-80, 1983-84, 1984-85.

Scottish Cup (4): 1981-82, 1982-83, 1983-84, 1985-86.

Scottish League Cup (1): 1985-86.

European Cup-Winners’ Cup (1): 1982-83.

European Super Cup (1): 1983.

MANCHESTER UNITED

Premier League (13): 1992-93, 1993-94, 1995-96, 1996-97, 1998-99, 1999-2000, 2000-01, 2002-03, 2006-07, 2007-08, 2008-09, 2010-11, 2012-13.

FA Cup (5): 1989-90, 1993-94, 1995-96, 1998-99, 2003-04.

League Cup (4): 1991-92, 2005-06, 2008-09, 2009-10.

Charity/Community Shield (10): 1990 (shared), 1993, 1994, 1996, 1997, 2003, 2007, 2008, 2010, 2011.

Champions League (2): 1998-99, 2007-08.

European Cup-Winners’ Cup (1): 1990-91.

European Super Cup (1): 1991.

Intercontinental Cup (1): 1999.

FIFA Club World Cup (1): 2008

Sir waxa uu sharaf weyn ku dhex leeyahay gudaha Enland gaar ahaan kooxda Man United oo uu 13 koob Primier Leugue ah u qaaday, taas ah waali cidna ma sameenin sidaas oo kale, waxa u yaala rikooriyin aan la jabin karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.