Wejiga Looma Fool-Dhaqo, Nimaad Fool-Xumidiisa Aragto( Abdi-Shotaly).

0
206

Aduun-yadda nin noolow maxaa aragti kuu laaban, beri baa nin Diiriye la
odhan jirey, uu gabadh kula aqal galay, guriggii reerkii ay ka dhalatay, oo
ah nooca ay somalidu tidhaaho “Inan la yaalka”, oo micna-heedu yahay, marka
aad la degan tahay reerka ama qoyska, ay ka soo jeedo gabadha aad
guursatay. Ninkii odayga ahaa ee Mr Diiriye, markii loo guri geliyey
inantii, waa ka iska barbar seexday, ee dhan-keeda-ba u jeesan waayey,
yaabtay inantii oo kolba wax ku tashatay, kola ay jilibka ku dhufa-to,
siddii wax is rogaaya, iyo kola ay gufac aan hayn iska keento, si ay u
toosiso, ilayn waa kan khuuradda galaye ee dirgan waayeye. Waxay sidaas
ahaato-ba, oo ay inantii wax ku hadsho-ba garan waydo, hadba madaxa xoqoto,
oo ay si walba uga quustay, ogaatay in aanay kan seedi u dhanaanayn, oo uu
hor illaahay ka taagan yahay, arimaha ay ka sugayso, mid wax isla hayana
aanu ahayn, bay candhuuf-teeddii dib uga liqday, oo ay tidhi kan waad
arag-taaye, mar dambe ha ku tahan-baabin, rajo kama soo jeedo’e. waxay
gaadhay go’aan ah, in marka ay todoba-baxdo, ay reerka isaga dhalay isugu
yeedho, si asturana ugu tidhaahdo anigu nin ma hayo’e, bal ama nin kale ii
keena, kani waa gabaa-hirig oo ninimo ka waayeye, ama aynu kala hawl
yaraysano, intaan wakhti inaga halaabin labadeena qoys-ba. Akhristaw iyadda
oo sidaas iskaga qulubsan, oo ku waalatay tima feedhasho, marna is tidhaaha
guriga ma uga baxdaa, bay dhamaadeen tobaddii cisho ee aroosku, bal-se
maxaa ka dambeeyey, halkan hoose kala soco. *

Subixii sideedda markii xoolihii la maalay, baa waxa ku soo kalah-day,
gabdh kale oo inaadeer-teed ah, oo wadda degan yihiin  reerka, waxay ku
tidhi intay aqlkii is hor taagtay ” **Naayaa Barako Todobaddii cisho kuu
dhamaadee, ka soo bax gurigga, caano luguaha ha laguu geliyee**” Waxay
ugu jawaabtay ” **Dulmareey weli dab laguma shidan gurigan**” ee waa
maxay todobadda maalmood ee aad ii tirisay, dambarkii maandeeq weli waan
sugayaa, oo koob lis ah kama aan dhadhamin weli. Dulmar yaabtay, oo waxay
fahantay, in aan inanta weli hawl-ba laga qaban. iyadda oo labadda dhaban
haysata waata dabeed u dhaqaaqday, xaggii buul-cawskii ay beriggii hore
wadda seexan jireen, intaan Mr Diiriye loo meherin. Dulmar wax ay ku hadsho
iyo cid ay u sheegto, wax ay tidhaaho iyadda oo garan la, oo ay ka
wareerisay sidda ay ugu dhacday saaxiiba-deed ” Miss Barako”, baa habeenkii
Sagaalaad, reerkii col u soo dhacay, oo geelii laga dareersaday saqddii
dhexe. Ninkii Diiriye, markuu maqlay qayladda iyo sawaxanka, waa ka qori la
cararay,  ee yidhi geela baan soo dhicinayaa.  ee ka soo booday gurigii
isaga oo kun-kuunsan, halkaa markay maraysay, baa waxa aragtay, inantii
Dulmar ee sheeka-diisa haysay, dabeed way u yeedhay oo waxay ku tidhi ”
Diiriyaw xagaad ku ordaysaa ee aad qoriga u sidataa?” Wuxu yidhi, dee nin
baan ahayoo waa in aan geela wax ka dhiciyaa. Inantii Dulmar inta ay
dhoosha ka qososhay, baa waxay tidhi, Diiryaw raganimo halkaad ka joogto,
waynu isla og-nahay, geelan rag baa iska leh, haday soo dhicina-yaan, iyo
haddii ay sidaa kaga hadhayaan-ba ee  *Diiriyaw adigu taadda ku foof”.
Hawl weyn baa kuu taalay ilaa intii aad la aqal gashay Miss Barako” oo
lagaa sugayaa fulin-teedda, geelan ragiisii waa joogaa, wuxuu ka yeela-ba,
adigu arimaha guri-gaaga qabso, oo yaanay dib dambe kaaga bay lihin.

“Wejiga looma fool dhaqo, nimaad fool-xumidiisa aragto” bay Somalidu
tidhaahaaye,Ujeediyo haatan, waxan sheekadan u soo qaatay, kuna soo
gabaga-beeyey maqaalkan. Labadan askari waa la ogaa waxay halgankii
ahaayeen, oo waa kuwii laga inaab-saday, lamana hayo kob cagaar leh, oo ay
ka soo durduri-yeen ilaa iyo wakhtiggii SNM-tii, Dagaalkii maryo-aloolka,
iyo intay nafi ku jirtay-ba, ilayn wax inoo kala qarsooni ma jiraan, oo Mr
Diiriye halkaa uu ka taagnaa hawshaas sare ku qeexan, mid-la-mid ah ama ka
sii liidata, baa xaal-koodu ku sinaaye, ma imika bay salal-madhle iyo
sakaaro kuu soo solayaan? Somaliland baanu badbaadi-naynaa hadda, waxay ka
dhigan tahay, qoriga uu la orday Mr Diiriye, isaga oo og halkuu raganimo ka
joogo, oo ku damba-basaaya ciladiisa hoose, doonaayana in uu dhalan-teed u
dhigo xiddidka. Muwaadin waa sidaase, Geeno shaaximaan iyo Raggii ma adigaa
ka hadhay, waynu ka dheregsan nahay waxay yihiin, sidda ay u fekeraan,
cuqdadda ay beelo gaar ah ka qaban, ee ma nahay qaar ay isu nasikhi karaan?
Waxan ku soo af-jaray, Somaliland waxa uga tirsan tihiin Mr Diiriya-haas ku
sharaxan sare, ee yaad u durbaan garaacay-saan ee aan idin aqoon? Ma cid
aan reer Somaliland ahayn oo kale? kuwa halkaa dhigay ee rakaadiyey dalkii
iyo dadkii waa ayo? Ma cid kalaa cirka uga timi?, waa kii iyadda oo dalka
iyo dadku samadaa marayaan, uu Madax-Weyne Daahir Riyaale Ku wareejiyey
kulmiye, ee mee dadkii iyo dalkii wadda socday? Yaa kala irdheeyey? Ee
foodda isu geliyey? U kala ab-tiriyey? inba gaar u faquuqay?. Saw idinka
maaha kuwa la eeday, ee caku iyo waydda hadh iyo habeen shicibku dib-naha
la qaniinayaan? Ma xiniiyo iib ah baa la idiin soo tumay?, siddii
tooray-ddii kamaanadda baabuurta laga samayn jirey? Tani way is taqaan, oo
isku leex-leexan mayso, waxad tihiin Mr Diiriye Walaaladiiye, ee ha is
lugoy-nina waxa-ba islama ahysaane.

– *N.B Diiriyaw Adigu Taadda Ku Foof!*
– *Qore:- Abdi-Shotaly*

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.